Madaxwayne Trump Oo Maxkamada Laga Dacwaynayo Laguna Eedeeyay Inuu Qodob Dasuurka Maraykanka Ah Jabiyay Maalmo Uun Kadib Markuu Xafiiska La Wareegay
January 24, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Donald Trump ayaa madaxweyne ah kaliya maalmo kooban, hase yeeshee koox isha ku haysa anshaxa ayaa diyaar u ah inay diiwaan geliso dacwad ka dhan ah, ayada oo tuhmeysa inuu jebiyey qodob ka mid ah dastuurka.
Kooxda dhinaca bidix u janjeerta ee mas’uuliyadda iyo anshaxa ee Washington, loona soo gaabiyo CREW ayaa shaaca ka qaaday inay dacwadan maanta ka diiwana gelin doonto maxkamadda federalka ee Manhattan.