Qaar Ka Mid Suuqyadii Ganacsiga Ee Hargeysa Oo Saaka Albaabada Loo Laabay Kadib Markii Sixir Bararka Sarifka Lacagta Dollarku Hawada Isku Shareeray Iibka Qiimaha Meceeshaduna Isbedel Weyni Kuyimi
January 24, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah suuqyadii ganacsiga ee magaalada Hargeysa ayaa
saaka albaabada loo laabey sicir bararka xoogan ee dalka ka jira iyo kor u kaca qiimaha sarifka awgii .
Suuqdan ayaa waxaa ka mid ah suuqii Gobanimo , Suuqii xafada Idaacada , Suuqii Xafada 150 , Suuqii Xafada Xero ee Jamac Gunti waxaana ay dadku aad uga cabanayaan kor u kicii ugu weynaa abid oo ku yimid qiimaha sarifka lacaga Doller-ka isla markaana sabab u noqdey in meceeshadii hawda gasho .