berberatoday.com
Agaasimaha Guud Ee Banka Dhex Somaliland Ayaa Sabab U Ah Sixir Bararka Dalka Iyo Sariflayaasha Uga Furan Banka Dhexe Agaasimaha Guud Banka Somaliland +Wareegtadad Gudomiyaha Banka Dhexe Soo Saaray Ma Hirgalidoonta
January 25, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Agaasimaha guud ee Bank Dhexe Somaliland Cabdilaahi xasan  masuul xilkaas hayaya muddadii ay jiray xukumada xilka haysa ee madaxwayne siilanyo Waa masuulka sabab u ah sixir bararka  dalka samayaya iyadoo ay dalka ka jirto abaar samaysay dadkii iyo duunyadiiba inta badan ay ka baxeen xoolaha ay dhaqan jireen dadka xoolaha dhaqatadad ahaa eek u nool Somaliland gaar ahaan Gobolada bariga oo ay uaga darantahay abaarta

Hadaba agaasimaha banka dhex Cabdilaahi xasan ayaa ka masuul ah sixir bararka dalka dalka ka jira waxan banka dhexdiisa uga furan  sariflayaal dadka lacagta uga sarif banka qof lacagta qaadan ayaa waxaa u dirayaan Zaad lacagtiis kaash ahyd ee Somaliland shilling wuxuu ku shuban account uga furan bank dhexe ee hargaisa ama xarumaha bank ee kale  eek a furan Hargaisa

Sariflayaasha uga furan banka dhexe agaasimaha Guud  Bank Cabdilaahi Xasan

Magacyada Sariflasha u shaqeeya Agaasime Cabdilaahi xasan

  1. Nin Sariflaha oo logu magacaabo Fu,aad
  2. Nin kale lagu magacaabo Macaaneya
  3. Iyo sarifle kale oo lagu magacaabo Awliyo

 

Inkasta sida ay ii sheegan ila xogagaal ah waxaa maanta wareegta uu soo saaray  Gudomiyaha Banka ee Somaliland  oo muddo yar hayay xilkaas  ayaa ku sheegay in laga bilaaba maanta oo Taariikhdu tahay 23/01/2017 aan wax lagu dhex sarifa Karin bank dhexdiisa lagana  Joojiyaya,  aanu qofkasta oo  sariflaha  aanu wax lacag ku sarif karin  baanka dhexdiisa qof lagu qabtan taalabo laga qaadin doono  sharciga waafaqsan,

Arintaas ayaa laga yaab in ay dawo u noqoto sarif circa isku shareeraya  Waxna ka tarto inkasta aanu gudomiyaha talaabo aanu qaadi Karin  haddii agaasimaha guud ee banka dhexe oo isaga gacan ku leh sarif iyo sare u kaciisa  sariflayaashiisa uun lagu laga joojiya uun banka dhexdiisa oo uu la shaqaynaayo agaasimaha guud  ee ilaalin lahaa hantida umada reer somlailand ee uu xilka u hayo masuulna ka yahay ilaalinta isku sarifka lacagaha qalaad  ilaaliyan qiimaha shilinka somalialnd aanu qiimahaasu u hoos dhac aanu ku iman madaama agaasimaha bank uu awood kowaad siiya lacagta dalku leeyahay ee somalialnd shilling ah

Wax kasta wax yeelaayan uu ka ilaaliya  madaama uu yahay masuulta uga saraysa banka dhexe dalka lakiin agaasimaha cabdilaahi waa masuul hanti urursi ku jira sifa kasta oo ku halaayan uu sameeya

Hadaba Madaxwaynaha qaranku waa inuu talaabo cad ka qaado agaasimaha banka dhexe Somaliland Cabdilaahi xasan oo  noqoday sarifle baanka dhexe ka dhex furtay sariflayaal isahga u adeega

Shacabka reer somalialnd waxay war sugayn talaabda uu qaada madaxwaynaha Somaliland  axmed maxamed maxamud (siilanyo) ee uu ku samata bixinaaya dadkii ay baraaha bani hayaan ee la darayaysan gajada,Qabowga iyo biyo la,aanta  haysta ay u dheertahay sixir bararka dalka soo food saar oo ah halis kale oo jirta  oo dalka soo food saartay askariga dablaha ah eeaan wax darjo ah aan lahayn waxaa qaata lacag qadarkeed yahay 550,000 (Shan boqol konton kun oo kaliye Somaliland shillings ah) marka lacagta maraykanka loo badal waxay noqonaysaa $ 64 (Lixdan iyo afar doolar )  ma kafan karaan nolosha qoys dhan oo u baahan raashiin, kiro guri,biil, schoolka caruurta  iyo daryeel kale ee loo baahan yahay ee nolosha asaasiga u ah binu aadamkaagaasimah banka dhexe

 

Talo ku socota Gudomiyaha Cusub ee Banka Dhexe Ee Somaliland  iyo Madaxwaynaha dalka

Waa inay  talaabooyinka Qaada  soo socda

  • Waa inuu isbadal ku Sameeya maamuulka  Goob mihiimka ah  bananka Somaliland
  • Waa in la joojiya goobaha biilsha lagu bixiya lacagta  dolllarka sida school iyo madarasadaha Gaarka loo leeyahay  wakaalada laydh iyo biyaha ,Xafiisyada dawalada ee lacagta qabtaa inan wax dollar ah qabinin ,mushar bixinta schoolada gaarka loo leeyahay iyo dhaaman shirkada dalka ka hawalgaa dhaamantood waa in ay musharka ku bixiyaaan  shilling somalialnd
  • Waa in la controla xawaladaha dalka ka shaqeeya in ay qof lacagta  loo soo diray ku siiya caash  somalialnd shilling ah
  • Lacagaha laskugug diro mobilka ee kale duwan waa in dawalada control u samaysaa lana socota
  • Waa inay Dawalada Jaan Goysaa Sarif lacagaha Qaalaad qiimahaasan ay jarta dawaladu
  • Dhaamaan ganacsatood wax iibis oo dhan waa in ay qiimaha shayga ay iibinayan ay ku sheegan Somaliland shilling ee aan ku sheegan dollar marku qof baayaco  shay uu doonaaya waan in wax kasta ganacsatdada uga qiimaysnataa   Somaliland shilling
  • Sixirka Raashin waa in xukumada control ku samaysa lana socota qiima yaasha la siiyan dib u eegas lagu sameeya sixirka uu ay ku soo iibsadeen iyo kay siinayaan ganacsatadod

 

 

 

Qalinkii  Muuse jaama Mohamed

Berbera Somalind

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews