berberatoday.com
Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Oo Ka Hadashay Abaarta, Kana Digtay Qabyaalada
January 25, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa ka hadashay abaaraha dalka ka taagan, waxayna soo jeedisay in meel looga soo wada jeesto dadka ay abaaruhu hayaan, ee u baahan in loo gurmado.

1

Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo shalay u waramaysay warbaahinta ayaa sidoo kale ka digtay qabyaalada oo si xun loo isticmaalo, waxayna talo u soo jeedisay Xisbiyada, Madax-dhaqameedka iyo Bulshada reer Somaliland, oo ay ugu baaqday inay qaranimo ku hawl-galaan, waxayna tidhi iyadoo arimahan ka hadlaysa “Waxaan marka ugu horeeysa ILLAAHAY ka baryayaa in abaarta baahsan, ee dalkeena wada gaadhay, hore bari ayay ahaydee  laakiin imika galbeed bay gaadhay, inuu ILLAAHAY inaga qaboojiyo, isaga quwad leh, isaga ayey awoodiisa wax walba ku sugnaadan, haddii adduunka oo dhami ina soo caawiyo oo meel inaga hadhaa aanay jirin waxba haddana ka tari mayso, dhibic ILLAAHAY keenay ayaa haddana ina deeqaysa”.

Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa iyadoo ka hadlaysa gurmadka ay Xukuumaddu ka geystay abaaraha tidhi “Taakulada ay Xukuumaddu ka geystay aad iyo aad ayey u fara badan tahay, oo qaybtii hore Xukuumaddu shan boqol oo kun oo dolar ayey bixisay, shan boqol oo kun oo doolarna waa tii Wasiiradda Maaliyaddu bixinaysay, malyankaas oo kaash ah Xukuumaddu si gaar ah ayey u bixisay, Wasiiraddu Maaliyaddu goob kasta oo ay tagayso taakulayn iyo raashin bay wadaa, oo iyadoo taakulayn, raashin iyo biyo wadin ma socoto, marka laga yimaado Hay’addaha wax bixiya, Madaxweynaha Jamhuuryida Somaliland, maaha Madaxweyne moogan dadkiisa, ee waa Madaxweyne og dadkiisa”.

Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa dhanka kale waxay sheegtay inuu Madaxweynuhu dadkiisa iyo dalkiisaba jecel yahay, iyadoo tilmaamtay inuu Madaxweynuhu yahay Madaxweynaha qudha ee dhammaan Gobolada dalka oo dhan maraya, Bari ilaa Galbeed, waliba wakhti adag uu maray, isla markaana u kuurgalay xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu hayaan, gurmadna uu la gaadhay, waxa kale oo ay xustay in Xafiiska Samafalka Madaxtooyadu uu yahay Xafiis u taagan inuu dadka danyarta ah gaadhsiiyo wixii samafal ah ee ay Madaxtooyadu, Hay’addaha Caalamiga iyo Wadamada Caalamkuna bixiyaan, waxayna Madaxweynaha uga mahadnaqday xafiiskan uu u sameeyey dadka danyarta ee u baahan in xaaladooda lala socdo, waxa kale oo ay sheegtay in baaqii uu Madaxweynuhu u diray beesha caalamka iyo Hay’addaha Caalamiga ah in jawaab laga helay, oo qaar ka mid ah Hay’addaha Islaamiga ahi ay ka soo jawaabeen, kuwa kalena laga sugayo.

Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa sidoo kale talo u soo jeedisay Xisbiyada, Madax-dhaqameedka iyo waliba Bulshada reer Somaliland, oo ay kula talisay inay ka dheeradan qabyaalada, oo ay qaranimo ku shaqeeyaan, waxayna guud ahaan Warbaahinta gaar ahaan Telefeshinada ugu baaqday in aanay baahin wararka dadka iska hor keenaya, oo ku saleeysan qabyaalada iyo wixii la midka ah,

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews