berberatoday.com
FAALLO: Xadiddaada Xukuumadda Ee Isticmaalka Adeegyada ZAAD Iyo E-DAHAB Ma Xakamayn Karaan Sicir-bararka?
January 25, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sicir-barar aad u sareeya oo saameeyay noloshii bulshada Somaliland, ayaa maalmihii u danbeeyay si weyn looga dareemayey guud ahaan dalka Somaliland.

FaalladaSicir-bararka Somaliland ka jira oo ah mid horseeday inay si lama filaan ah maalin kasta ay u sii kordhaan qiimaha Alaabta, Maceeshadda iyo waxyaalaha kale ee aasaaska u ah nolosha bulshada, iyo waliba qiimo dhac ku yimid qiimihii lacagta dalka (Shillinka Somaliland), kana dhigay mid aan waxba jarayn, halkaana ay ku luntay awooddii iyo aaminaaddii lacagta waddanku leeyahay.

Arrimaahaasi oo dhawaanahanba ay bulshadu cabasho badan ka muujinaysay ayaa gaadhay in Shalay ganacsatada magaalooyinka dalka qaarkood ay Meheradohoodii ay albaabada u xidhaan, taasina waxay keentay in isla Shalay ay Golaha Wasiirrada Somaliland isugu yimaaddaan shir deg-deg ah oo ay kaga arrinsanayeen sidii xal loogu heli lahaa sicir-bararka dalka ka jira, waxaana Shirkaasi oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Guddoominayey.

Shirkaasi ka dibna  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa xalay soo saaray Wareegto ujeedadeedu tahay qorshe lagu xakamaynayo sicir-bararka Doollarka iyo Qiimaha dhaca Shilinka Somaliland.

Wareegtadaasi oo si weyn u saamaynaysay ganacsatada dalka guud ahaan, ayaa waxa xusid mudan in markii ugu horreysay xukuumaddu ay go’aan ka qaadato isticmaalka Adeegyada lacageed ee casriga ah ee loo adeegsado teleefanada gacanta oo ay bixiyaan shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel isla-markaana loo yaqaano ZAAD iyo E-Dahab, adeegyadaasi oo ah kuwo Dalka Somaliland si weyn uga hirgalay, isla-markaana Bulshadu si weyn u isticmaasho, iyadoo adeegyadani fududeeyeen in wax lagu kala iibsado iyo in lagu keydsado lacagta, Wallow lagu kala aragti duwan yahay waxtar iyo waxyeelo midka ay leeyihiin, inkasta oo aan hore dawladdu uga samayn Dalka deraasad si cilmi ah u qeexaysa.

Haddaba, Qodobbada wareegtada uu Madaxweynuhu soo saaray ee sida gaarka u taabanaya adeegyadani ayaa waxay u dhignaayeen sidan :- “In shirkadaha waaweyn ee leh bangiyada gaarka ah (Private Banks) sida Dahabshiil Group iyo Telesom Group, ay si rasmi ah u joojiyaan isku beddelka lacagaha qalaad (Foreign Money Exchange), sidoo kale ganacsatada waaweyn ee wax dhoofisa waxna soo dejisa sida Shirkadda Oomaar, Shirkadda Deero iyo IWM,  aanay iyaguna si toos ah iyo si dadban toona uga ganacsan karin isku beddelka lacagaha.

In Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Dollar-ka ee lagu shubayo telefoonnada gacanta wixii ka yar $100 (Two Digits), kana saaran nidaamkooda Dollar-ka.

Si kor loogu qaado isticmaalka Shillinka Somaliland, waa in Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil adeegyadooda Zaad yo E-Dahab ay ka dhigaan ku shubashada iyo ku kaydsiga lacageed mid aan xad lahayn oo Shillinka Somaliland.”

Sidoo kale, waxa isweydiin mudan qorshaha joojinta sicir-bararka ee Xukuumaddu soo saartay kaalin intee leeg ayey ka qaadanaysaa tallaabadan ay Xukuumaddu ku xaddiday isticmaalka adeegyada Zaad iyo E-dahab.? iyadoo aynu ognahay in xilligan lagu gudo jiro ay ahmiyad weyn leeyihiin adeegyadani oo ay kaalin weyn ka qaataan gurmadka loogu jiro dadka abaartu saameeysay, maaddaama iyadoo si sahlan gudo iyo dibad ba xaddi kasta oo lacageed loogu soo diro, sida ay hore u sheegeen guddiyada ku hawlan gurmadka abaaruhu.

Akhriste, haddii sicir-bararka waxyaabaha loo aaneynayo ay ka mid tahay inay Suuqyada Somaliland ku yaraatay Lacagta Caddaanka ah ee Dollarka,  taana sababaha keenaya ay ka mid tahay Lacagta Halka Malyuun ka badan ee Ganacsatada Qaadku habeen Walba u diraan Itoobiya, ma habboonaan lahayd in Xukuumaddu la timaaddo qorshe ka duwan kan lagu xadiddayo isticmaalka adeegyada ZAAD iyo E-Dahab?

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews