berberatoday.com
Gabadh Yar Oo Suuriyaan Ah Oo Waraaq U Dirtay Madaxweynaha Maraykanka Trump
January 25, 2017 - Written by Berbera Today

Xalab(Berberatoday.com)-Bana Alabed oo ah gabadh todobo jir ah oo reer Xalab ah oo caan ka noqotay Adduunka iyadoo Tweeter-ka qoraalo soo dhigi jirtay ayaa waraaq furan u dirtay madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump.

suriyan1

“Waxaa waajib ah in aad wax u qabato carruurta Suuriya sababtoo ah waa carruurtaada oo kale waxayna mudan yihiin in ay nabad helaan sidaada oo kale,” ayay tiri.

Bana iyo qoyskeedu waxay Xalab ka soo qaxeen bishii Desembar markaas oo ay socotay daadgurayn loo samaynayay dad badan, haddana waxay ku nooshahay dalka Turkiga.

Ciwaanka ay Twitterka ku leedahay ayaa caan ku noqday fariimihii ay ka soo diri jirtay bariga magaaalada Xalab oo go’doonsanayd.

Hooyadeed Fadumo oo isticmaalka ciwaankaas ka caawisay ayaa BBC-da u soo dirtay qoraalka ay Trump u qortay gabadhu.

Waxay sheegtay in Bana ay waraaqdan qortay maalmo ka hor caleemo saarka madaxweyne Trump, sababtoo ah “marar badan ayay Trump ka daawatay TV.suriyan

Warqaddii ay Bana Alabed u qortay madaxwayne Trump

Mudane Donald Trump,

Magacaygu waa Bana Alabed waxaana jiraa todobo sano waxaan ahay gabadh reer Suuriya ah oo Xalab ka timid.

Noloshayda oo dhan Suuriya ayaan ku noolaa ka hor inta aanan ka soo tagin bariga magaalada Xalab ee go’doonsan bishii Desembar. Waxaan ka mid ahay carruurta Suuriyaanka ah ee dhibaatadu ka soo gaartay dagaalka Suuriya.

Laakiin hadda nabad ayaan ku haystaa gurigayga cusub ee Turkiga. Markaan Xalab joogay iskuul ayaan dhigan jiray laakiin durba waxaa burburiyay duqaynta.

Qaar ka mid ah saaxiibaday ayaana ku dhintay.

Aad ayaan uga walwal sanahay iyaga waxaana jeclaan lahaa in ay ila joogaan sababtoo hadda waan wada ciyaari lahayn. Xalab kuma ciyaari karin waayo waxay ahayd magaalo geeri.

Turkiga banaanka ayaan u bixi karaa oon ku soo raaxaysan karaa. Iskuul ayaan aadi karaa inkastoo aanan wali billaabin waxbarasho. Taasina waa sababta ay qofkaste muhiim ugu tahay nabaddu xataa adiga.

Si kastaba ha ahaatee malaayiin Suuriyaan ah ayaan aniga oo kale ahayn, waxayna dhibaato ku haysataa qaybaha kala duwan ee dalka Suuriya. Dhibaatadaasna waxaa ku haya dad qaangaar ah.

Waxaan ogahay in aad noqon doonto madaxwaynaha Maraykanka, sidaa awgeed fadlan ma badbaadin kartaa carruurta iyo dadka Suuriya? Waxaa waajib ah in aad wax u qabato carruurta Suuriya sababtoo ah waa carruurtaada oo kale waxayna mudan yihiin in ay nabad helaan sidaada oo kale.

Haddaad iga ballan qaado in aad wax u qabato carruurta Suuriya, markaas saaxibadaa ayaan ahay.

Way i farxadgalin doontaa wixii aad u qabato carruurta Suuriya.

Turkiga oo Bana iyo qoyskeedu ay ku nool yihiin hadda wuxuu taageeraa mucaaradka Suuriya. Laakiin ilaa iyo hadda ma cadda meesha uu Trump ka taagan yahay xaaladda Suuriya.

Madaxweynaha Maraykanka ayaase ku celceliyay oo carabka ku adkeeyay in uu doonayo in uu calaaqaad wanaagsan la yeesho dalka Ruushka, wuxuuna taageeray madaxweyne Vladimir Putin oo taageersan madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad.

Qaxooti Suuriyaan ah oo quuluubta dadka Canada soo jiitay

Jacayl dhexmaray gabadh Ciraaqiyad ah oo qaxooti ah iyo askari reer Mecadonia ah

Markii uu ku jiray ol’olaha doorashada wuxuu sheegay in uu joojin doono caawimaadda la siiyo mucaaradka Suuriya, balse dhawaan wuxuu ka hadlay sida loogu baahan yahay in la helo aag ammaan ah oo Suuriya ka mid ah arrintaas oo wax u tarikarta mucaaradka.

Dalabka Bana ee ku socda madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka ayaa imanaya iyadoo Iiraan, Turkiga iyo Ruushku ay si wadajir ah u dalbadeen xabbad joojin saddex todobaad ah oo Suuriya ka dhaqan gasha iyadoo bartanka lagaga jiro wadahadallo nabadeed.

Laakiin ma cadda inta uu cago adag ku sii taagnaan karo heshiis kaste oo la gaaro iyadoo aysan si rasmi ah u heshiinin xukuumadd Asad iyo jabhaduhu.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews