berberatoday.com
Gabiley: Dadkii Abaaraha Bariga Ka Soo Baro-kacay Iyo Kuwii Soo Dhaweeyay Oo Maamulku Gobolka Xaaladdooda Ka Dayriyey
January 25, 2017 - Written by Berbera Today

“Ciddii u socota olole Xisbi iyo Dad Huteello lagu casuumo waxaanu leenahay Maanta Gobolku diyaar uma aha…” Badhasaabka Gobolka Gabiley

 Gabiley(Berberatoday.com)-Badhasaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi, ayaa Amar ka soo saaray Xafladaha Xilligan lagu jiro Abaarta ay Xisbiyada Siyaasaddu qabsadaan Huteellada Magaalada Gabiley iyo guud ahaan Degmooyinka Gobolkaasi.

Warka GabileyBadhasaabka Gobolka Gabiley, wuxuu sheegay in Xaaladda nololeed ee ay ku jiraan Dadka Gobolka Gabiley ee soo dhaweeyay Dadkii ka soo hayaamay Abaarta Gobollada Bariga Somaliland ay meel adag marayso isla-markaana Dadkii bariga ka soo hayaamay iyo kuwii ay deegaannada Gobolka Gabiley ugu yimaaddeen ay Maanta isku itaal yihiin, ka dib markii Baadkii Xooluhu cunayeen ee ay ku yaalay Beeraha deegaankaasi ay xaalufeen.

Badhasaabka oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Gabiley, ayaa yidhi, “Dadkii Abaaraha ka soo hayaamay iyo Dadkii Gobolka Gabiley ee ay u yimaaddeen way isku barbar-dhaceen Maanta, wixii Calaf ahaa ee yaalay waa la wada cunay, oo Dadkii hore u degganaa Gobolka iyo dadkii u yimidba waa isku itaal. Dhulkii waa la wada daaqay oo wuu qalallay, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Dadka Muxsiniinta ah, Hay’adaha, Xisbiyada Qaranka, dhammaantoodna waxaan leeyahay ha ka soo qayb-qaataan Gurmadka loogu jiro Dadka Abaartu aafaysay.”

Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay, “Iyadoo Xaaladdu caynkaas tahay oo Dadkeenii ay Abaaro aafeeyeen looma baahna inaynu Huteellada waaweyn aynu Kooke iyo Keeg isla dhacno (Cuno/cabno), inagoo leh Koox Heblaayo ayaa Xisbi hebel soo galay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Annagu ka gobol ahaan waanu soo dhaweynaynaa Cid kasta oo Dadkaa Abaaruhu aafeeyeen wax u sidda, laakiin Cid kasta oo Hawlo aan Munaasib ahayn ku hawlanna Gobol ahaan ma soo dhaweynayno Annagoo ku hadlaya Afka Shacabka aan odeyga u ahay. “

Badhasaabku oo sii adkaynaya Amarka uu ku joojinayo Xafladaha Xisbiyadu ku qabsadaan Magaalooyinka Gobolka Gabiley, wuxuu yidhi, “Waan ku celinayaaye, Ciddii u socota olole Xisbi iyo Dad Huteello lagu casuumo waxaanu leenahay Maanta Gobolku diyaar uma aha.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews