berberatoday.com
SABABAHA SICIR-BARARKA: Shirkadaha QAADKU Lacagta Adag Ee Ay Habeen Walba U Diraan Itoobiya, Aragtida Xukuumadda Iyo Indheer-garadka Bulshada
January 25, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qiimaha Sarrifka Lacagta Qalaad ee Dollar-ka, ayaa meel sare gaadhay marka loo eego Shilinka Somaliland.

Suuqyada Somaliland, ayaa Boqolka Doollar waxa Qofka sita loogu sarrifayey 850,000 oo Shilinka Somaliland ah, marka Qofku Shilinka Sitana waxa Boqolka Dollar lagaga iibinayey 870,000 ku oo Shilin, halkii oo uu dhowr bilood ka horna uu ku wareegayey inta u dhexeysa 700,000 – 750,000.

Sicir-bararka Lacagta Maraykanka ee Doollarka oo saamayn weyn ku leh Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ah, maaddaama oo Ganacsatada Raashinku iibka Raashinka ku qiimeeyaan Doollarka, ayaa wuxuu taabtay Nolosha guud ahaan Dadweynaha Somaliland, gaar ahaan Dadka Danyarta ah sida Shaqaalaha Dawladda ee Mushaharkooda ku qaata Shilinka Somaliland iyo Dadka kale wax ku iibiya ama Mushaharka Maalin laha ah lagu siiyo Shilinka.

Haddaba, sababaha keenay in Lacagta Doollarka qiimaheedu aad sare ugu kaco, ayaa waxa siyaabo kala duwan uga hadlay Masuuliyiinta Dawladda iyo Dadka kale ee Shacabka ah ee Aqoonta u leh dhaqaalaha.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo Shalay ka hadlayey Shir-jaraa’id oo uu ku shaacinayey Go’aamo Xukuumaddu ka soo saartay Sicir-bararka Dollarka, ayaa mar uu soo hadal qaaday Sababaha keenaya in Qiimaha Sarrifka Dollar-ku aad ugu kor ugu kaco, ayaa sheegay, “Waxa sababaya (Sicir-bararka Doollarka) waxa ka mid ah Lacagihii adkaa oo yaraaday, iyadoo Lacagihii adkaa noqdeen waxa dibadaha wax lagaga soo iibiyo, Qaadkaa ka mid ah, Maalin walba Qaad-waleyaashu markay Shilinka Somaliland Qaadka ku iibiyaan waxay u baahan yihiin Malyuun Doollar.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Marmarka ay deg-deg ugu baahan yihiin waxa dhici karta inuu (Sarriflaha) u saaro (Lacag) faa’iido ah oo qiimaha kordhiya.”

Wasiir Xaashi oo sii sharraxaya waxyaabaha kale ee loo aaneynayo Sicir-bararka Doollarka, ayaa yidhi, “Waxa kale oo ka mid ah Lacagtii Somaliland oo Muwaadiniintii lahaa ay isticmaali wayday oo ay ka kalsooni baxeen iyagoo ku hawl-yareysanaya Lacagaha Qalaad ee lagu diro Zaad iyo E-dahab, taasi oo gaadhay in Cadeyga lagu iibsado, Baalashka lagu bixiyo, in Basaska lagu raaco, arrimahaasi waxay gebi ahaanba meesha ka saareen baahidii Lacagta Somaliland, waxayna ku siqeysaa Lacagteennii mid aan loo baahnayn.”

Suldaan Cali Saleebaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Saaxil oo Magaalada Berbera kaga hadlay Mudaharaad Salmi ah oo ay sameeyeen Ganacsatada Berbera, ayaa isagoo ka hadlaya Sababaha uu u maleynayo inay keenayso Sicir-bararka Doollarka, ayaa yidhi, “Sababaha keenaya Sicir-bararku waxa weeyaan waxa kala batay Dollarka Suuqyada yaalla iyo Shilinka lagu siideynayo Suuqyada. Sidaa darteed waxaanu ugu baaqaynaa Baanka dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda inay xakameeyaan Doollarka.”ayuu yidhi Suldaanku.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews