Somalidii Uhoreysay Oo Dalka Mareykanka Laga Soo Mastaafuriyay Iyo Madaxweyne Donald Trump Oo Bilabay Caydhintii Soo Galaytiga Bilaabay
January 26, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Soomaali ah iyo laba Kenyan ah ayaa laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka sababo aan kala caddeyn.
Dadkan oo laga soo dejiyay garoonka dayaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli uu Madaxweyne Donald Trump la filayo inuu saxiixo amar shuruuc adag ku soo rogaya oo wax looga qabanayo dadka soogalootiga ah ee sida sharci darrada ah ugu sugan Mareykanka, oo ay ku jirto dal-ku-galka laga joojiyo dadka u dhashay Suuriya iyo lix waddan oo kale oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika.
