berberatoday.com
Dilkii Kornayl Cabdillaahi Xaaji Siciid 27 January 1982 : Dhimbiishii Hurisay Halgankii Hubeysnaa Ee SNM 35 Sano Ka Hor
January 26, 2017 - Written by Berbera Today

Kornayl Cabdillhai X. Siciid

Maalin Arbaca ayey ahayd 27 January 1982-kii markii si waxshinimo ah Gen. Maxamed XaashiGaani oo dad-qalkii Maxamed Siyaad Barre ay isku reer ahaayeen uu ugu dilay meesha la yidhaahdo Tuka-raq oo ka tirsan Gobolka Sool, dadkaasoo uu ka mid ahaa Kornayl Cabdillaahi Siciid Cabdi oo ka mid ahaa saraakiishii ugu aqoonta roonaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed.

Yuusuf Cabdi Xasan (Yuusuf-weyne) wuxuu ahaa laba Xidigle ka tirsanaa Guutadii uu Cabdillaahi Taliyaha u ahaa ee deganayd Tuka-raq, wuxuuna goob joog u ahaa dilkaas, waxana uu ka warramay qaabkii foosha xumaa ee loo fuliyey dilkaasi, isagoo xusuusta falkaasi ay ku noqotay tiiraanyo ka muuqatay wejigiisa wuxuu yidhi :

“Kornayl Cabdillaahi X. Siciid oo Burco u yimid arooska walaalkii Garsoore sare Maxamed X. Siciid, ayaa Gen. Gaani(Taliyihii Qeybta 26aad) uu amar ku soo bixiyey in uu Cabdillaahi tago Tuka-raq, markii uu tegayna iyadoon wax dembi ah jirin ayuu amray Gen. Gaani in Saraakiil uu soo diray inay maxkamad ku sheeg ku saaraan Cabdillaahi goobtaas. Markii ay maxkamad ku sheegto dhawr maalmood ay wax dembi ah ku weyday Marxuumka ayuu Gen. Gaani soo fadhiistay Fooniyaha Guutada, wuxuna bixiyey amar uu Askarigii Isgaadhsiinta guutadu ka qoray, waxana uu ku yidhi;. “Waaryaa Kornayl Cismaan Xasan Maraaya- (Waa Sarkaalkii gudoominayey maxkamad-ku-sheegtii Ciidanka}kii ugu madaxa weynaa guutada, (Waa Kornayl Cabdillaahi X. Siciid) iyo kii aan idhi gadhka iska xiir, (Waa Kabtan Daahir Maxamed) fasax dheer sii, wallaahi haddii kale idinkaa fasax dheer geli doona”. macnuhu waa in la tooftaa hadda saraakiishaasi .

Korneyl Cismaan Xasan Maraayaa inta uu goobtii ku soo noqday ayuu amray in maxkamadu xidhan tahay, isla markaana Koofiyad Castii Gaani oo uu watay ku amray inay Gawaadhida fuulaan oo soo qaadaan Korneyl Cabdillaahi X. Siciid iyo kabtan Daahir Maxamed. markay xerradii guutada kala fogaadeen ayey Geed ku xidheen oo toogteen Kornayl Cabdillaahi X. Siciid iyo Kabtan Daahir Maxamed” .

Aniga oo Yuusuf-Weyne ah ayaa imid goobtii oo ay ka yaaceen Koofiyad-Castii ayuu yidhi iyo kuwii Maxkamada sheeganayeyba, ka dibna Cabdillaahi X. Siciid oo Geedkii lagu toogtay ku xidhan ayaan xadhigii ka furay oo Saacadiisiina ka furay isaga iyo Daahir.

Arrinku wuxuu ahaa dil qorsheysan oo siyaasad ah oo badheedh ah, oo uu fulinayey General gacan-ku-dhiigle Maxamed Xaashi Gaanni, iyadoo aanay jirin wax alla wax dembi ah oo lagu soo oogay saraakiishaasi, balse waxa jiray qorshe rajiimkii Siyaad Barre ku doonayey in uu ku laayo Saraakiisha ugu geesisan ee Somaliland u dhashay, laakiin dilkaasi Cabdillaahi X. Siciid wuxuu keenay in uu digniin u noqdo Saraakiisha kale. Cabdillahi xaaji saciid markii uu arkay in la tooganayo ayuu laba rakcadood oo salaad ah tukaday wuxuu yidhi “noloshaeydu wax aanay u tartayn dadkeyga ayay dhimashadeydu u tareysaa “..waana rumooday oo dhimbiishii halganka shacbiga ahaa ee SNM hurisay ayuu noqday Cabdillaahi Xaaji saciid Cabdi .

Afar maalmood ka dib dilkaasi waxa Itoobiya u tallaabaday Saddexdii Sarkaal ee ugu horeeyey SNM oo kala ahaa, Alle ha u nariistee Muj/Kornayl Aadan Shiine, Muj/Kornayl Axmed-Dhagax iyo Muj/Kornayl Maxamed Kaahin Axmed oo isagu nool.

Waxa ku xigay Kornayl Muuse NadiifMujaahid Madaxdiin iyo Kornayl Aadan Saleebaan oo saddexdooduba shahiiday. Waxa ku xigay alle ha u naxariistee Kornayl Mujaahid Gacma-dheera iyo Anigoo Yuusuf-Weyne ah, halkaasi ayey garabkii hubaysanaa ee SNM ka abuurmeen oo Saraakiil kalena soo tallaabeen, Sida Kornayl Axmed MirreCabdiraxmaan Aw-Cali FaaraxKornayl Maxamed Xaashi Lixle, Kornayl Ciise CuraagteKornayl Xasan Yoonis HabaneKornayl Jaamac Cali JaamacKornayl Muuse BiixiKornayl Cabdillaahi AskarKornayl Ibraahim Dhego-weyneKornayl Dayib GurayKornayl C/salaam TurkiKornayl Axmed WeysacaddeKornayl Cabdillaahi Darawal, Kornayl Cabdillaahi CuddoKornayl Aadan Dhamac,Maxamed Cilmi Gallan iyo saraakiil fara badan oo Milatari iyo shicib-ba leh, kuwaasoo ka dhiidhiyey dilkii foosha xumaa ee sida arxan darrada ah loogu dilay Kornayl Cabdillaahi X. Siciid. ‘lama soo koobi Karin dadkii tirada badnaa ee halgankii SNM ka soo qeyb-qaatay’. Ayuu Yuusuf-weyne ku soo gunnaanaday hadalkiisa.

korneyl Yuusuf Geerash oo isaguna ka mid ahaa dadkii goob-jooga u ahaa dilka saraakiishaas oo maxkamad ku sheega ka tirsanaa, ayaa xaqiijiyey in dilkaasi aanu maxkamad iyo sharci toona ku shuqul lahayn, balse uu amray General Gaanni oo dabcan ka amar haystay inaadeerkii Maxamed Siyaad Barre.

Cabdillaahi X. Siciid dilkiisu wuxuu ahaa dhimbiishii hurisay dabkii halgankii hubaysanaa eeSNM ee lagu tuuray heeryadii dad-qalkii Daaquudka ahaa ee rajiim Maxamed Siyaad Barre, ka dib markii ay kumanaan Geesi u shahiideen xaqiijinta xorriyada Somaliland.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews