berberatoday.com
Tir-2-aad Jaamacadaha Somaliland Waxay Noqdeen Tusbax Furmay Oo Aan Tayo Laheyn.Qalinkii A/rahman Fidhinle UK
January 26, 2017 - Written by Berbera Today
Jaamacaduhu waa goobaha cilmiga iyo caqliga cokani ku kulman kuna gadhoodhaan, taas oo noqota goob aqoonta lagu falkiyo,lagu hufo oo lagu curiyo laguna baro markaa cida u ooman cilmiga. Aqoontu waa ruuxiyaadka hogaamisa binu aadamka ee hayaanka horumarka nolosha ku hagta kuna hanuunisa.Aqoontu sideedaba ma ha sida loo kala af-miishaarsan yahay ee loo kala af-tahan san yahay ee aqoontu waa takhasus qofka u guntan ( Proffessional skills ) Aqoontu waa salka bulshadu ka dhisanto waana in Xukuumad kastaa ay xooga saartaa sidii loo tayeyn lahaa ee ummadda loogu habi lahaa. Waxa Somaliland oo aan weli la ictiraafin ka hawlgala ilaa iyo 32 Jaamacadood oo isku wada maadooyin dhiga oo “Copy cat” ah, kuwaas oo badankoodu cusub yihiin oo aanay weli ardayiba ka bixin. Waxaana ka mid ahaa Jaamcadahaa JSL ka howl gala liiskan hoose:
1- Amoud University….. Waa Jaamacadii Kowaad ee Somaliland ka hirgashay taas oo laysugu habar wacday laguna fadhiisiyey maskax tuugin cokan sanadkii 1998
2- Hargeisa University…. Waa Jaamacadii labaad ee JSL ka hawlgashay sanadkii 2000 .taas oo ay bud-dhigeen aqoon yahano, laakiin khilaaf bani ragaadiyey mudo dheer.
3- Burco Univesity ……… Waa Jamacadii Sadexaad ee Somaliland ka hanoqaaday taas oo dhamaan laamaheedu Gobolada dalka oo dhan hada wada gadheen
4- Golis University ………… Waa Jaamacada Afraad ee Somailand ka hirgashay taas iyana tartan ba’an ugu jirta in aaney kaalinteeda ka dhicin. Hadaba waxaa tusbax furmay noqoday liiskan hoose :
5- Sanaag  University …………………………….
6- Adna Adan University………………..…………
7- Rift Valley University………………..…………..
8- Adams University………………..………………..
9- Maroodi Jeex University………………..……….
10- Jimma University………………..………………..
11- Horn international University College………..
12-Frantz Fanon University………………..………..
13- Abaarso Technology University………………
14- New Genaration University  College…………
15- Alpha University College…………………..…….
16- International Horn University………………..
17- Mount Kenya University………………..………
18- Addis Apapa Medical University……………..
19- Al-najax University Burco…………………….….
20- Timocade University………………..…………….
21- Hope University………………..…………………..
22- Berbera Marinetime University………………..
23- Nugaal University………………..…………………
24- Beder University …………………………………..
25- Ealo University Borama………………………….
26- Badhan University………………..……………….
27- Unity University………………..………………….
28- Sheikh Vetenary College…………………..…..
29- Sidem College ……………………………………..
30- Somaliland University of science and technology
31- Fairland University………………..……………..
32- Niilayn University ………………………………..
Maadaama aanay Xukuumada Kulmiye ku qotomin waxbarashada sare ee dalka Siyaasad cad (  National Policy ) lagu hago waxabarashada Jaamacadaha Dalka, waxay Jaamacadihii dalku noqdeen Meherado laysugu faano oo layska furto sida Dukaanada. Sida mujtamaca reer Somaliland ka dheregsan yihiin qaar ka mid ah Jaamacadaha Somaliland ee dhawaan dhaladka ahi waxay ku abuurmeen hinaase shaqsi ah oo haleelay Proffessor is bedeyaal dalka u dhashay ka dib markii uu xaalkoodu uu noqday “Aqooneey ama aan ku cuno ama ku ciideeyo“. Qaar ka mid ah Jamacadahaa ayaa iyaguna dalka ku yimi qayd xanbaarasho dhabarka lagu soo qaatay magac Jaamacadeed oo  African ah oo muraad ganacsi huwan kuwaas  oo aan tayo iyo tiirar adag iyana ku taagneyn.
Badanka Jaamacadahaasi qoraal yar mooyaane ma laha Waax ama Unug u qaabilsan tayeynta waxbarashada ay dhigaan ” Quality insurance ” malaha halbeeg lagu cabiro tayada tacliinta ay ka ganacsadaan ”  Indicators ” dawlad kantarooshaana ma jirto. Badanka Jaamacadahaasi kuma xidhna Jaamacadaha aduunka ama Xarumaha kantaroola Shahaadadaha sare ( Awarding bodies ) si shahaadadahoodu u noqdaan qaar aduunku ictiraafsan yahay. Badanka Jamacadahaasi malaha Fakaltiyo dhameystiran oo isu dheeli tiran, malaha Xarumo cilmi baadhis ( research Centre ), malaha macalimiin kala mihnad duwan sida Proffessoro, associate Proffessoro, assistance Proffesoro, lecturers, reseach assistance iyo sujbect specialist. Qaar ka mid ah Jaamacadahaasi waxay soo koobeen waqtigii iyo saacadihii simistarada ay dhigayeen, waxaana ay badka soo dhigeen macalimiin aan aqoon sare iyo tababar hufan laheyn, taas oo tayadii tacliinta Jaamacadaha JSL maaxdumisay oo god madow ku sii riday,Badanka Jaamcadahaasi waxay kiraysteen goobo yar yar oo guryo ah oo aan loogu talo galin baya’d waxbarasho laakiin loogu talo galay guryo la seexdo taasi maaha arin damaanad qaadaysa amaanadii iyo balan qaadkii ay ardayda ubalan qaadeen Jamacadahaasi.
 Hadaba waxaa  Maanta la soo gaadhay waqtigii la bad-baadin lahaa ee la tayeyn lahaa Tacliinta sare ee JSL oo hada raacday dariiq silan oo sabool ka ah saldhig  cilmiyeedyo lagu soo hirto.Maadaama aaney ku fadhiyin sharciyadoodu aragti cilmiyeysan ee xaalkoodu uu iska noqday  dhuuni raadin, dhaqaale doon iyo dilaalnimo loo adeegsanaayo aqoontii mugdiga iyo jaahliga lagaga bixi lahaa, waxaana uu maxsuulkoodu noqon doonaa hadii aan la xakameyn in ay Jaamacadahaasi soo hurgufaan oo soo saaraan dilaaliin iyo afmiishaariin aqoon ahaan aan isku kal sooneyn oo aan academic aheyn. Waxaan isweydiiyaa su’aasha ah,Jaamacadahan duluca furtay ee aan boodhka lahayn ee shaqsiyaadku tuurta ku sitaan ma noqon doonaan War cilmiyeedyo loo soo arooro oo cidii cilmiga u haraadani ay ka cabi karaan? Su’aashaa Jawaab teeda waxaan u dhaafay Shacabka reer Somaliland.
Somaliland waxaa aad hoos ugu dhacay kalsoonidii, qiimihii, haybadii, qadarintii iyo karaamadii uu lahaa Macalinku,Doctorku,Proffessorku,lecturers ku iyo Takhasusuhu.( subject specialist ).Waxaa milan iyo maydhanaan taban noqday hiraalkii iyo ixtiraamkii  Cilmiga iyo aqoontu lahayd, saa dilaal iyo dulugle waliba wuxuu ku leeyahay Jaamacaddahaa ayaan ka qalin jebiyey ama aan wax ka  dhigaaba.
Guntii iyo Gebagebadii Qormadan:  Hadii sida ugu dhakhasaha badan aan wax looga qaban tayaynta Jaamacadaha Somaliland oo aan loo abuurin Hayad ama Wasaarad u gaar ah kobcinta tacliinta sare, Tacliinta JSL waxay la mid noqon doontaa ”  Dubihii Tumaalka ama Hangoolkii Geeljiraha.”  Waayo tacliintii sare waxay noqotay hada badeecad cid waliba ka ganacsato oo aan weligeed expire noqon. Waxay noqotay shay aan  caqliga ardayga kobcin karin oo aan kalsooni iyo iimaan sugan liqsiin karin. Tacliintii waxay noqonatay mid aan ku fadhiyin fikir buuxa, fahmo badan iyo fasiraad qoto dheer, mid aan laga soo lulin caqli iyo cilmi riban oo cid walibana sheegato, shahaadada ay doontana suuqa ka iibsato. Bulsho kasta baa’ba’eedu wuxuu ka bilaabmaa marka aqoonta, cilmiga iyo caqligeedu uu maqaar siibto waana  taa xaalada ay maanta ku sugan Tacliintii sare ee JSL.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews