Xukuumadda Oo Xabsiga Dhigtay Masuul Ka Tirsan Shirkadda Telesom oo Ku Gacan Saydhay Go’aankii Shalay Madaxwaynuhu Ka Soo Saaray SIcir Bararka
January 26, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-War hada soo dhacay ayaa sheegaya in Ciidmada Booliska Somaliland ay abaaro duhurnimadii maanta xabsiga dhigeen Madaxii Horumarinta Bulshadda ee Shirkada Isgaadhsiinta Telesom Cabdiwahaab Maax Maxamuud, waxaana xadhiga sarkaalkaan Warbaahinta u xaqiijiyay mid kamida saraakiisha sarsare ee shirkada Telesom

“Abaaro 11kii duhurnimo ee Saaka ayaa saraakiisha ciidanka CID-da ay u yeedheen Md. Cabdiwahaab Maax, markii uu u tagayna waxa ay ku wargaliyeen in uu xidhan yahay, xadhigiisuna yahay Amar sare oo xukuumada ka soo baxay” ayuu yidhi masuulka u hadlay shirkadda telesom oo magaciisa ku soo gaabiyay mahdi