berberatoday.com
Baanka Dhexe Oo Dahabshiil, Telesom Iyo Oomaar Kala Noqday Ruqsadihii Sarrifka Lacagaha, Bangiyada Gaarka Oo Amar La Dul-dhigay Iyo Wakhtiga Loo Qabtay ZAAD
January 27, 2017 - Written by Berbera Today
“Ciidamada Qaranka Somaliland ee kala duwan waxay u igman yihin awaamiirta ka soo baxday dawladda Somaliland…” Taliyaha Booliiska Somaliland
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, wasiirka Ganacsiga, wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay tallaabooyinka laga qaadayo sicir-bararka jira iyo amaawiir ay ka soo saareen shirkadaha waaweyn ee sarifka oo rusqadihii ay ku shaqaysan jireen lagala noqday.
Sidoo kale, Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan ciddii ka hor timaadda amarka Madaxweynuhu ku xalinayo sicir bararka sarifka ee waddanka ka jira.
Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cali Axmed Maxamed, ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doonno ciddii ka hor timaadda go’aanka ka soo baxay golaha Wasiiradda ee wax lagaga qabanayo sicir bararka jira, “Waa nasiib daro ciddii ka hor timaadda go’aankaasi golaha wasiiradu gaadheen, cid kasta oo ka hor timaadda waxaanu ka qaadaynaa talaabo sharciga waafaqsan, mana jirto wax baqdin aanu ka qabno inay ka hor iman karto”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cali Axmed.
Wasiirka oo ka jawaabayey dhowaaq diidmo ah oo ka soo yeedhay shirkadda Telesom oo iyadu sheegtay inay khalad tahay in boqol dollar wax ka yar aan Zaadka loo isticmaali Karin waxa uu yidhi “Ninkaasi u hadlay Telesom nin aanu saaxiibnahay weeyi waxayna ahayd arrin aanu layaabnay, waxaanay arrintaasi caddaynaysaa inay dhiigmiirad yihiin, sababta go’aamaddan loo soo saaray waxay ahayd mid shacabka dhibaatadda haysta wax lagaga qabanayo”
Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahim Dhoobaale ayaa sheegay in Shalay laga bilaabo ay fulayaan go’aammadii ka soo baxay Golaha Wasiirrada ee wax lagaga qabanayo sicir-bararka, waxaanu sheegay inay rusqaddii xaga sarifka ee ay haysteen shirkadaha waaweyn ee Telesom, Dahabshiil iyo Oomaar lagala noqdo, isla markaana aanay waxba sarifi Karin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in 48 saacadood Shirkadaha TELESOM iyo Dahabshiil Nidaamkooda xisaabeed ka saaraan wixii boqol dollar ka yar in aan loo isticmaali Karin mobile oo loo bedelo Shiling Somaliland.
“Waxaanu fulinaynaa go’aankii ka soo baxay Madaxweynaha ee ahaa in wax laga qabto oo sicir bararka jira, maanta (Shalay) ayey dhaqan-gashay, waxa kale oo wareegtada ku jira in Zaad iyo Edahab systemkooda ka saaraan wixii boqol dollar ka yar, waxaana haystaan 48 saacadood gudahood inay kaga saaraan boqolka dollar wixii ka yar, wixii intaas ka dambeeya dambi ayaa ka dhalanaya, qodobka labaad ganacstada sarifleyaasha sida Telesom, Dahabshiil iyo Oomaar, maanta (Shalay) laga bilaabo rusqadii ay wax ku sarifayeen waa lagala noqday, wax sarrif ah oo ay ku jirayaan ma jirto, waxa kale oo ka mid ah Bangiyada Gaarka looleeyahay, laga bilaabo maanta (Shalay) waa inay bangiyadoodu galiyaaan Shiling Somaliland, dhamaan sarifleyaasha suuqa jooga ee liisankoodu dhacsan yahay waa inay liisankooda dib u soo cusboonaysiiyaan lama ogolaandoonno Sarifle aan liisan haysan “ayuu yidh Guddoomiyaha Baanka dhexe Dhoobaale.
Wasiirka Ganacsiga Shucayb Cumar Maxamuud ayaa sheegnay in wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynuhu ahayd 13 qodob oo dhammaantood la fulinayo, waxaanu yidhi, “Arrintan madaxweynuhu wuxuu u saaray guddi soo lafa gura arrimaha keenaya sicir bararka iyo hoos u dhaca lacagteen, waxyaalaha kicinaya oo dhan 13 qodob ayaa laga soo saaray, Madaxweynuhu wareegto ayuu ku lifaaqay oo golaha wasiirada waa lagaga dooday, waxaan halkanka sheegayaa dhamaan goobaha waxbarashada haday tahay jaamacadaha, dugsiyadda iyo mdarasadaha waxa la isticmaalayaa Shiling Somaliland”
Dhinaca kale Taliyaha booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in ciidanka heegan ugu jiraan inay sharciga hor keenaan ciddii ka hor timaadda go’aanka Madaxweynaha, waxaanu farriin u diray cid kasta oo ka hor timaadda in xabsiga loo taxaabi doonno.
“Ciidamada Qaranka Somaliland ee kala duwan waxay u igman yihin awaamiirta ka soo baxday dawladda Somaliland, shacabka waxaan leeyahay sidii aad awal horeba ula shaqayn jirteen ciddii amarkaasi ka hor timaadda inaad la soo socodsiisaan saldhigyada booliska, waxaan uga digayaa cid kasta oo ka hor timaadda go’aankaasi Madaxweynaha in ciidanku ku qasban yahay inay sharciga hor keenaan”.ayuu yidhi.
Berberatoday.com
COMMENTS
|