berberatoday.com
Dawlada Mexico Oo Ku Gacan Saydhay Hadalkii Trump Ee Ahaa Inay Bixinayaan Qarashka Lagu Dhisayo Derbiga
January 27, 2017 - Written by Berbera Today

Mexico City(Berberatoday.com)-Mexico ayaa sheegtay inaysan bixin doonin kharashaadka darbiga uu Donald Trump ka dhisayo xadka Mexico iyo Mareykanka.Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto

Enrique Pena Nieto oo qaranka khudbad u jeedinayay ayaa ku gacanseyray qorshaha dhismaha darbiga isagoo intaa ku daray in ”Mexico aysan aaminsanyn dhismaha darbi”.

Madaxweynaha Mexico ma sheegin inuu baajin doono iyo in kale safarka uu Washington ku tagi lahaa 31 bishan January si uu ula kulmo madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump.

Donald Trump ayaa horay u sheegay in Mexico ay bixin doonto qarashaadka darbiga uu qorsheynaya inuu ka dhiso xadka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo saaray warqad uu ku amrayo in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico.

Wuxuu sidoo kale saxiixay in la qaado tallaabo dhaqaalaha looga yareynayo magaalooyiinka Mareykanka ee ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah “ee aan warqadaha sharciga ah haysan”.

Balse, aqalka wakiillada ayaa laga doonayaa inuu meelmariyo hanaanka iyo dhaqaalaha oo lagu qiyaasayo inay balaayiin dollar gaareyso.

Dhismaha derbiga dherirkiisu yahay 2,000 oo meyl, wuxuu ahaa mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee Trump, xilligii ololaha doorashada.

‘Mexico ayaa bixineysa qarashka derbiga’

Wuxuu ka hadlay “musiibo” ka taagan xuduudda dhanka Koofureed ee Mareykanka uu Mexico kala wadaago. Hadalkaas wuxuu jeediyay xilligii uu saxiixayay amarka.

Wuxuu sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah ciidamada amniga gudaha ee Mareykanka ka shaqeeya.

Amarka waxaa qeyb ka ah in la shaqaaleysiiyso 10 kun oo ciidamo oo suga amniga xuduudda.

Lahaanshaha sawirka Getty Images Image caption Derbiga hadda ka dhisan qeyb ka mid ah xuduudda Mexico iyo Mareykanka

“Dal aan xuduud lahayn, dal maaha,” ayuu yiri. “Laga billaabo maanta Mareykanka wuxuu dib u soo ceshanaayaa maamulidda xuduudeeda.”

Donald Trump wuxuu sheegay in xiriirka Mexico uu la wadaago uu wanaagsanaan doono.

Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto, ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, si uu Trump ugala hadlo dhismaha derbiga iyo danaha dalkiisa.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews