berberatoday.com
Beesha Caalamka Oo Xukuumadda Somaliland U Soo Dirtay Dhambaal Culus Oo Dardaaran Iyo Digniin Ah
January 28, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Toban wadan iyo ururka Midowga Yurub ayaa xukuumadda Somaliland, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka u soo diray dhambaal culus oo isugu jira digniin iyo dardaaran.

1

Dhambaalkan oo ah mid culus, waxa ay wadamadani kaga digeen halista ka dhalan karta dib u dhigista doorashada oo ay tilmaameen inay galaafan karto wada shaqaynta dawladda Somaliland iyo beesha caalamka.

Dalalkan oo kala ah, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, United Kingdom, United States of America iyo Midowga Yurub. Warsaxaafadeedka ayaa yimid ka dib go’aankii ay Madaxweyne Silaanyo, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinku dib ugu dhigeen doorashada madaxtooyada bisha Oktoobar 2017, halkii ay ka ahayd March 2017, waxaanu u dhignaa sidan “Bulshada caalamka ee taageerta Somaliland waxay cadaynayaan inay naxariis wayn u hayaan dadka reer Somaliland ee ay saamaysay abaarta ka jirta hadda Somaliland. Deeq bixiyayaashu waxaay bixiyeen iyaga oo sii wadi doona qaadhaan balaadhan si wax looga qabto cawaaqibka banii-adantinimo ee ka dhashay abaarta, islamarkaana waxaay si dhow ula socdaan xaaladda iyaga oo aad uga walaacsan.

 Raadka aadka u xun ee banii adantinimo ee ay ku leedahay abaartu bulshooyinka ay saamaysay waa mid aan la dafiri karin oo dhib badan. In laga bixiyo abaarta jawaab deg deg ah waxay u baahan tahay hoggaamin firfircoon oo ay dawladdu la timaado iyada oo kaashanaysa bulshada caalamka ee taageerta.

Sida ay bulshada caalamku cadaysay markii ay todobaadakan safarka ku tageen Hargeysa, abaarta looma isticmaali karo cudur daar lagu joojiyo geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland. Bulshada caalamku si wayn bay uga niyad jabeen go’aanka ay ku qaateen Madaxwaynaha, xisbiyada iyo Gudida Qaran ee Doorashooyinku in dib loo dhigo doorashada madaxwaynaha ee mudaysnayd 28 March 2017 ee dib loogu sii dhigay in la qabto 10ka October 2017. Dhaawaqa ah in doorashada golaha deegaanka lala qabto doorashada baarlamaanka 10ka October 2018 iyada oo dib loo sii dhigayo doorashooyinka golaha deegaanka ku dhowaad sanad, waxaay sii kordhinaysaa walaaca ay dadka reer Somaliland ka qabaan Golaha Wakiilada oo fadhiyay mudo 12 sanadood ah.

Dib u dhigista doorashooyinka madaxwaynaha iyo baarlamaanku waxaay si cad uga soo horjeedaan go’aankii Maxkamadda Sare gaadhay 18 ka August 2015, sidoo kale dib u sii riixista aan caqliga ku dhisnayn ee doorashada golaha deegaanka lagu sameeyey waxaay shaki la’aan waxyeelo u gaysanaysaa kalsoonidii ay dadwaynaha iyo caalamku ku qabeen geedi socodka diqmoraadiyadeed ee Somaliland. Dib u dhigistani waxaay u danbaysay arimo taxane ah oo calaamatul su’aal gelinaya sida loogu kalsoon karo dimoqraadiyadda Somaliland. Waxa ay tahay in la is xasuusiyo in doorashada madaxwayne ee Somaliland ay markii hore mudaysnayd 2015.

Iyada oo ka go’nanashaha bulshada caalamka inay taageeraan horumar togan oo ay sameeyaan dadka reer Somaliland ay tahay weli mid aan waxba iska bedelin, hadana dhaawaqan u danbeeyey ee doorashooyinka dib loogu sii dhigayo waxaay ku qasbaysaa bulshada caalamka inay eegaan saamaynta ay ku yeelan doonto xidhiidhka iyo wada shaqaynta aanu la leenahay dawladda Somaliland. Bulshada caalamku waxaay siiyeen taageero baaxad leh geedi socodka doorashooyinka iyada oo lagu saleeyey in Somaliland ay ka go’naato inay ku qabato xiligeeda doorashooyinka

madaxwaynemimo, baarlamaan iyo gole deegaan. Lacagtii aanu ku maalgelinay ee laga soo ururiyay cashuur bixiyayaashayada ayaa hada khatar wayn qarka ugu saaran inay lunto (khasaarowdo). Bulshada caalamku ma bixin doonaan wixii kharash dheeraad ah ee ay keenti doonto dib u dhigista doorashadu.

Sumcaddii iyo aaminaadii lagu qabay Somaliland wuxuu go’aankani u gaystay nabar kale oo wayn. Somaliland waxaay khatar ugu jirtaa inay lumiso dareenkii u soo jeeday ee caalamiga ahaa ee ay ka heshay bulshada caalamka ee sida ka go’naanshaha ah isku garab taagtay sababta oo ah jiritaanka dimoqraadiyad soo koraysa. 

Bulshada caalamku waxaay ugu baaqaysa dawladad Somaliland, xisbiyada siyaasadda iyo Gudida Doorashooyinka inay dib u eegaan dhawaaqii ay dhowaan soo saareen oo ay u diyaargarobaan inay doorashada madaxwaynenimo qabsoonto qaybta hore ee 2017, doorashada golayasha deegaanka na ay qabtaan xiligii u mudaysnaa ee 2017; waxaay sidoo kale ugu baaqaysaa Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Golaha Guurtida inay dib u eegaan go’aanka. Bulshada caalamku waxaay sidoo kale ugu baaqaysaa dawladda inay diyaariso oo ay qabato doorashada baarlamaanka sanadkan gudihiisa iyada oo aan dib u sii dhigin, iyada oo dejinaysa oo fulinaysa qorshe macquul ah oo dib u habayn loogu sameeyo qoondaynta kuraasta baarlamaana.

 Kala guur siyaasadeed oo la marin habaabiyay wuxuu shaki la’aan meesha ka saarayaa awoodda iyo rabitaanka bulshada caalamku inay la shaqayso masuuliyiinta Somaliland. Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan daneeyayaasha inay sameeyaan dadaal kasta si ay u ilaaliyaan dimoqraadiyadda Somaliland”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews