Weriye Hereri Oo Waraysi La Yeeshay Rayslwasaaraha Itoobiya
January 28, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Weriye Cabdisalam Hereri Oo Ka tirsan telefishanka Universal ayaa waraysi aad u dheer Oo dhinacyo badan taabanaya waxaa uu magaalada Jigjiga kula yeeshay ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Ra’iisal wasaarahu waxaa uu magaalada Jigjiga u joogay laba maalmood xuska maalinta xoolo dhaqatada ee Ethiopia.Waraysiga ayaa Cabdisalam Hereri waxyaabaha uu ku waydiiyay raiisal wasaaraha Ethiopia Waxaa Ka mid ah abaaraha dalka Ethiopia isaga Oo intii uu ku sugnaa qaybta ismaamulka Somalida Soo booqday magaalooyinka Qabri dahare iyo Gaashaamo.Xaalada wakhtigan ee deegaanka Somalida ee Ethiopia. madaxwaynaha Cusub ee loo doortay Maraykabka ee Donald Trump Iyo saamaynta ay ku yeelan karto Afrika,gaar ahaana hawlaha nabad ilaalinta ee badan ee ay Ethiopia Ka qayb qaadato sida Somaliya Oo kale.