Turkiga Oo Jinsiyaddiisa Siinaya Ganacsade Kasta Oo Hal Milyan Oo Doolar Iyo Ka Badan Ku Maalgashada Dalka
January 29, 2017 - Written by Berbera Today
Istanbul(Berberatoday.com)-Dawladda Turkiga ayaa go’aan ku gaadhay in ay jinsiyaddeeda siiso dadka shisheeyaha ah ee dalkeeda ku maalgashaday ganacsi u dhigma Hal Milyan oo doolar, war uu Geesja Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in go’aanka ay xukuumddu maalgashadayaashan ku siinayso baasaboorka dalkaas, haddii ay dalbadan ay tahay si loo soo nooleeyo dhaqaalaha dalkaas oo sannado badan oo uu koritaan aad u sarreeya ku soo socday kadib, muddooyinkan dambe ku jira xaalad saldhigi waa ah oo aanu horumar socon.