Madaxtooyad Iyo Wasaaradda Khaarajiga Oo Weli Ka Aamusan Baaqii Beesha Caalamka
January 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxtooyada Somaliland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin war-murtiyeed culus oo ay dalalka beesha caalamku kaga jawaabeen dib u dhigistii doorashada.
War-murtiyeedkaas, ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee ay dalalka Somaliland taageeraa soo saareen, waxaanay sheegeen inaan abaarta laga dhigan cudur daar dib loogu dhigo doorashooyinka, iyagoo golaha guurtida iyo maxkamadda sare ugu baaqay inay go’aankaas dib u eegis ku sameeyaan si aanu u saamayn wada shaqaynta beesha caalamka iyo xukuumadda Somaliland.