berberatoday.com
Somaliland Oo Doonaysa Inay Xubin Ka Noqoto Ururka Midowga Afrika
January 29, 2017 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa Ururka Midowga Afrika u gudbisay Codsi ah in Somaliland Xubin ka noqoto Ururka Midowga Afrika.

Sidaana waxa xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isaga iyo Wefti uu Hoggaaminayaa ay Maalmihii u dambeeyay safar ku joogay Magaalada Addis-ababa ee Caasimadda Itoobiya, sidoo kalena ahna Xarunta Ururka Midowga Afrika (AU).

Dr. Sacad Cali Shire oo Wareysi siiyey wakaaladda Wararka All East Africa ayaa yidhi, “Haddii loo baahdo waxaanu u gudbin doonaa codsi cusub.”

Wasiirku wuxuu sheegay inay doonayaan in Ururka Midowga Afrika Ajandaha koowaad ka dhigo arrimaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, “Waxaanu doonaynaa in Midowga Afrika ka dhigaan Ajandaha koowaad arrinka Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Soddonkii Sannadood ee Somaliland ay la mideysnayd Soomaaliya ay waayo-aragnimo ugu filan tahay, “Waxaanu qeyb ka ahayn Soomaaliya 30 sannadood, waxaan filayaa inay ku filan tahay..”

Warka Midowga Afrika

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Xaqiiqdii waxay ahayd soddon sannadood oo waaya-aragnimo xun kala kulanay midnimadii. 25kii sannadood u dambeeyey gaar ayaan u taagnayn, ma jirto sabab aan ugu noqono midnimo aan shaqeynayn.” Ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews