Dad Ka Badan Hal Milyan oo Ka Mid Ah Shacabka Ingiriiska oo Saxeexay Dalab Ay Ku Diidan Yihiin Socdaal Madaxweyne Trump Ku Imanayo Britain
January 30, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-In ka badan hal milyan oo qof oo ku nool Britain ayaa saxiixday dalab ay uga codsanayaan dowladda inay baajiso booqashada la qorsheynayo inuu Trump ku tago Britain dabayaaqada sanadkan.
Dalabkan ayaa jawaab u ah amar uu soo saaray madaxweyne Trump oo ka dhan ah qaxootiga.

Kuwa ka dambeeya dalabkan ayaa ku dooday in boqorada ay ceeb ku tahay haddii Trump uu booqdo Britain.