Darwalkii Khaaska Ahaa Ee Maareyaha Dekeda Berbera Oo Bastoolad Ku Qabtay Mid Kamida Shaqalaha Dekeda Berbera Oo Xabsiga Loo Taxaabay
January 30, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Darwaalka Baabuurka Uwada Maareyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir oo lagu Magacaabo Maxamed Maxamud Suulaw (Juuqdhageyste)ayaa galabta goob fagaare ah oo kutaala magalada Berbera baastoolad Si badheedh ah ugu qabtay Maxamed Jaamac Nuur(Besbaaso)oo kamida shaqaalaha dekeda berbera gaar ahaan waaxda Farsamada iyo gaadiidka.
waxaana islamarkiiba Saldhiga dhexe ee Berbera loo taxaabay darawalkii gaadhiga Maareyaha waday isaga oo waliba wata baabuurkii gaarka ahaa ee Maareyaha oo uu ku dhex sitay hub sharcidaro ah islamarkaana inta uu cabaystay uu ku qabtay mid kamida shaqaalaha Dekeda Berbera.