berberatoday.com
Diiwaangelinta Musharrixiinta Madaxweynennimada Soomaaliya Oo Xidhantay Iyo Magacyada 24 Siyaasi Oo Ku Tartami Doona
January 30, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa Fiidkii Caawa lagu soo gebo-gabeeyey magaaada Muqdisho diiwaangelintii Musharrixiinta u tartami doona jagada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo u muddaysan 8-da bisha labaad ee sannadkan 2017-ka, waxaana Shuruudaha buuxiyey oo si rasmi ah loo diiwaangeliyey 24 Musharrax oo jagadaa u taagan.

MUSHARRIXIINTA U TARTAMAYA DOORASHADA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA 2017

MUSHARRIXIINTA U TARTAMAYA DOORASHADA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA 2017

SAWIRRADA 23 MUSHARRAX EE LOO DIIWAANGELIYEY INAY U TARTAMAAN MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA 2017

SAWIRRADA 23 MUSHARRAX EE LOO DIIWAANGELIYEY INAY U TARTAMAAN MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA 2017

Musharrixiinta la diiwaangeliyey 3-dii maalmood ee u dambeeyey oo ay diiwaangelintoodu ka socotay Xarunta Villa Hargeysa ee Caasimadda Muqdisho, isla markaana buuxiyey Shuruudaha laga doonayey ee Shahaadooyinka ama Warqadaha Aqoonsiga Musharraxnimada la siiyey, waxaa ka mid ah Madaxweynaha wakhtigiisii dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii isaga ka horreeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raysal-wasaarihii hore Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Raysal-wasaaraha xilliguusu dhammaaday Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Siyaasiyiin kale oo badan.

Haddaba, Magacyada 24-ka Musharrax ee u taagan inay u tartamayaan Madaxweynennimada Federaalka Soomaaliya haddii Illaahay idmo marka la gaadho 8-da bisha labaad oo maalmo innaga xigaan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose, waxaanay kala yihiin sidan:- “

  1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  2. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
  3. Cabdiqaadir Cosoble Cali.
  4. Maxamuud Maxamad Culusow.
  5. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
  6. Cabdinaasir Cabdulle Maxamad.
  7. Bashiir Raage Shiiraar
  8. Maxamad Cali Ameeriko
  9. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Faroole.
  10. Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
  11. Saciid Cabdullahi Denni
  12. Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame.
  13. Jibriil Ibraahim Cabdulle.
  14. Saciid Ciise Maxamuud.
  15. Cali Xaaji Warsame
  16. Xasan Sheekh Maxamuud.
  17. Maxamad Cabdirisaaq Abokor.
  18. Cabdullaahi Cali Maxamed (Cadow Cali gees)
  19. Cabdullaahi Ciilmooge Xersi.
  20. Xaaji Maxamad Yaasiin.
  21. Axmad Maxamad Cabdi.
  22. Zakariye Maxamad Xaaji Cabdi.
  23. Cabdulllaahi Cali Xasan.
  24. Maxamad Cali Jabarti.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews