Hadaan Madaarka Iyo Dekeda Berbera Ictiraaf Ka Goyneyn Imaraadka Wixii loogu ogolaado madaarkeena iyo dekadeenu waa uun hunguri iyo calool siyaasi buuxintood ee dan umadeed ma’aha!!Qalinkii Cabdikariin Axmed Mooge
January 30, 2017 - Written by Berbera Today
Hadaan madaarka iyo Dekeda Berbera ictiraaf ka goyneyn Imaraadka wixii loogu ogolaado madaarkeena iyo dekadeenu waa uun hunguri iyo calool siyaasi buuxintood ee dan umadeed ma’aha!!
Xalka sixir-bararka hadii laga dhex deydayo Zaadka iyo E-Dahab waa Cudurka kaa gala farhada hadii laga gubo Dameer dawada lama gaadhaye! waayo waxa jira arimo kale oo ka mudan oo ay tahay in wax laga qabto hadii ay xukumada ka go’antahay in ay la tacaasho sixir-bararka!!
Qadhaan bila qorshe ahi iyo gudida abaaraha ayaan hal milyan ku wareejinay xal uma aha abaarta baahsan ee ku habsatey dadkeena, hadii la sugo oo ay sidan ku sii socoto oo aan qorshe qaran oo dhamaystiran aan lala iman aan eegno waxa xiga!!