DoorashooyinkaAragtida Ismaaciil Buubaa Ee Baaqii Beesha Caalamka Ee Dib U Dhigista Doorashooyinka –
January 31, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay sida uu arko muddo kordhinta ay ku heshiiyeen Xisbiyada Qaranka, Komishanka iyo Xukuumadda iyo halka ay taagan yihiin Beesha Caalamku, waxaanu sheegay in Wadan kasta uu arimihiisa guddaha u madax banaan yahay, balse wuxuu tilmaamay madaama marara badan dib u dhac ku yimid Doorashada in Beesha Caalamku u aragto in Dimuraadiyadii Somaliland khatar ku jirto.
