Madaxweyne Siilaanyo Oo Amar Ku Bixiyay In La Joojiyo Hawlgelinta Shaqaalaha Dawladda Iyo Ciidamada Ku Jira Miisaaniyadda 2017
January 31, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa amray in la hakiyo in si rasmi ah loo hawlgeliyo shaqaalaha dawladda iyo ciidamada dalka ee ku jira miisaaniyadda sannadka 2017. Qoraalka ayaa ku taariikhaysnaa January 24, 2017.
Qoraalkan Madaxweyne Siilaanyo oo lagu socodsiiyay wasaaradaha maaliyadda, arrimaha gudaha, madaxtooyada, ganacsiga, xeer ilaaliyaha guud, guddoomiyaha baanka iyo xisaabiyaha guud ee qaranka, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay in golaha wasiiradu shirkii ay ka yeesheen joojinta sicir bararka ay ku go’aamiyeen in la qaado talaabooyin deg deg ah oo lagaga hortagayo sicir bararka iyo qiime dhacabka lacagta Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo oo go’aamadii golaha wasiirada tixraacaya wuxuu taxay 17 qodob oo ah go’aamo uu sheegay inay tahay waajib qaran in la fuliyo, kuwaas oo ay ku jiraan kuwii ay dawladdu hore warbaahinta ugu sheegtay ee khuseeyay shirkadaha Isgaadhsiinta iyo xawaaladaha ee ahaa adeegyada Zaad iyo E-dahab iyo sarrifka lacagaha qalaad.