Magacyada Saddex Khabiir Oo Ay Xukuumadu U Saartay Ka Soo Tallo Bixinta Wakhtiga Ugu Haboon Ee Zaadka Lagaga Saari Karo $ 100 Wixii Ka Yar
January 31, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga wasiirada ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inay ka soo tallo bixiyaan wakhtiga ugu haboon ee ay shirkadda Telesom ku fulin karto amarkii dawladda, ayaa saddex xubnood u xilsaaray ka soo tallo bixinta wakhtiga ugu haboon ee ay Telesom ku fulinayso amarkaas.
Guddiga ayaa soo magacaabay saddex muwaadin oo ay sheegeen inay yihiin khubaro dhinaca farsamada IT-ga ah, waxaanay shaqada u weyn ee saddexdan xubnood tahay inay ka soo tallo bixiyaan mudada ugu haboon ee ay shirkadda Telesom ku fulin karto in adeegada Zaad laga saaro wixii ka yar boqol dollar, taas oo hore loogu qabtay 48 saacadood balse ay madaxtooyadu bedeshay, ka dib markii ay shirkadda Telesom soo bandhigtay inaanay wakhtigaas kooban ku fulin karin amarkaas.