berberatoday.com
IIaaladda Maayarka Laascaannood Oo Jidh-dil U Gaystay Weriyaha TV-ga Qaranka Iyo Badhasaabka Gobolkaas Oo Tallaabo Sharciya Kaga Fal-celiyay Dhacdaddaas
February 1, 2017 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Wariyaha Talafishanka Qaranka uga soo Warama Magaalada Laascaanood iyo Guud ahaanba Gobolka Sool Barkhad Cumar Axmed ayaa, ilaalada Maayarka Laascaanood si arxandaro ah u garaaceen kadib markii Maayarka Degmadaasi Cabdicasiis Xuseen Taarwale  ku shirqoolay Telefoon uu kalidii gooni ugu yeedhay kuwaas oo nabaro halis ah ka gaadhsiiyay madaxa iyo qeybaha kale ee jidhkiisa,iyagoo bakoorado iyo qori dabadii la dhacey.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Kheyre Dirir, ayaa xabsiga u taxaabay Askartii ilaalada Maayarka ee sida arxandarada ah  u garaacay Wariyaha Talafishanka Qaranka uga soo warama Gobolka Sool  Barkhad Cumar Axmed  Oo wakhtigan la ildaran nabarada kasoo gaadhey shirqoolka Maayarku u maleegay,waxaanay talaabadan foosha xumi fajac iyo amakaag ku ridey guud ahaanba dadweynaha iyo Masuulyiinta kala duwan ee  kunool Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaanay tibaaxeen Wararka Laascaanood naga soo gaadhaya in shirqoolkan Maayarku u dhigay Wariyaha Tvga Qaranka uga soo Warama Laascaanood uu ahaa mid dani ah oo aan dbada ku haynin wax sabab ah ama warar uu baahiyay oo isagu shaqo ku lahaa kuna sahabsan D/hoose iyo Golaha Deegaanka Laascaanood haseyeeshee,waxa la xaqiijiyay in Maayarku u daliishanayo in ay Wariyaha Tvga Qaranka maqaaxi Magaalada kutaala shah kawada cabeen Wariyayaal booqdey Laascaanood oo dhinaca Hargeysa ka yimid kuwaas oo Warbixin ka diyaariyay dhacdooyinkii ay kula kulmeen Magaalada Laascaanood.

Ilaa iyo hada majirto talaabo ay dhacdadan foosha xun kaga jawaabtey Wasaarada uu ka tirsan yahey Warfaafinta Somaliland iyo masuuliyoontooda kala duwani,waxaanay noqoneysaa dhacdadii ugu foosha xumeyd ee nooceeda ah oo Maayar ku cusub xilka iyo Maamulka Degmadu sabab la,aan dhibaato culus kusoo gaadhsiiyo mid kamid ah Wariyayaasha dhiban ee Xukuumada u shaqeynaya iyadoo aaney jirin sabab cad oo uu u daliishado in falka noocan ah lagula kaco waxaanay arintani ceeb iyo foolxumo kale kusii noqoneysaa Madaxda Wasaarada Warfaafinta iyo Talafishanka Qaranka oo aan iyagu habayaraatee wax dareen ah ka bixinin dhaawcyada culus ee lasoo gaadhsiiyay Wariyaha Wakiilka uga ah Gobolka Sool.

Sidoo kale Ururka Guud ee Saxaafada Somaliland Solja ayaan iyaguna wax hadal ah iyo wax ficil ah midna ka muujinin falka foosha xun ee lagula kacey Wariyaha Talafishanka Qaranka Somaliland uga soo Warama Laascaanood.

“Aadbaan  uga xumahay waxaan noolayn Maxamed Rashiid Maxamed Faarax Xoghayihii Saxaafada ee Solja ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo mudo imika wakhti badan laga joogo oo Wariye lagu dilay Magaalada Laascaanood markii caweyskii uu maqley in Wariyahaa la dilay kowdii habeenimo ayuu Laascaanood nala joogay manta raga jooga Solja warba uma hayaan Wariyayaasha Laascaanood haseyeeshee, aawey Wasaaradii Warfaafinta iyo Talafishankii dhamaa ee Dawlada ee Wariyahaasi Wakiilka ka ahaa”Sidaa waxa yidhi Axmed Xasan oo kamid ah dhalinyarada Magaalada Laascaanood ee Warbaahinta ka hawlagala.

 

Wariye Barkhad Cumar Axmed Wariyaha Talafishanka Qaranka uga soo Warama Laascaanood iyo Gobolka Sool ayaa hada qaba dhaawacyo halis ah oo Madaxa u badan taas,oo aaney u aabo uyeelin nimankii ilaalada Maayarka ahaa ee garaacay waxaanu Wariyuhu sheegay in ka hor intii aan la garaacin Maayarku telefoon kula soo Hadley una sheegay in uu War ka duubayo kalidii oo aanu soo kaxeysan Wariyayaasha kale,waxaana lagu xidhiidhinayaa in uu ku daniyey Wariyayaal Magaalada Laascaanood marti ku ahaa oo ay Shaah kawada cabeen Maqaaxida majliska ah ee Geedka Xamarta kuwaas oo badhkood katirsanaayeen Shabakada Wararka hadhwanaagnews oo Warbixin ka diyaarisey guud ahaanba Magaalada Laascaanood iyo shaqaale xidhnaa oo Maayarku sii daayey.

 

 

Xigasho Hadhwanaagnews.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews