Ma Run Baa Adeegyada Zaadka Iyo E-Dahab Qayb Ayay Ka Yihiin Sixir Bararka Somaliland Ka Jira?
February 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Nidaamka( Mobile Money Transfer ) oo ah in lacagta mobile sida SMS-ka la isugu diro , waa nidaamka la saadaalinayo inuu caalamku u guuro mustaqbalka dhaw , iyada oo laga wareegayo lacagta waraaqda ah oo laga soo bilaabo 1972 markay taariikhdu ahayd iyada oon dahab lagu qiimaynayn lagu tacaamulayay. arrintani wadamo badan ayay Higsigooda qaran oo muddaysan ku jirtaa , qaar kale oo aad u tiro badanina way hirgaliyeeen , wadamada nidaamkani ka hirgalay ilaa 93 dawladood ayaaa lagu sheegaa ,si isku mid ahse ugama shaqayn wadamaas tirada badan , qaarkood si fiican ayuu u shaqeeyay qaarna wali si fiican uma saldhigan oo dadku kuma kalsoonaan ,wadamada uu nidaamkani si xooogan uga hirgalay waxay u badanyihiin QAARADA AFRICA oo kenya tanzania ghana ay hormuud ka yihiin ,QAARADDA ASIA oo aan tusaale uga soo qaadan karno philipines ayaa ka mida meelaha laga isticmaalo , wuxuu si xoogan uga shaqeeyay sidoo kale LATIN AMERICA . Nidaamkani ceebo iyo waxyaabo lagu mahadiyaba wuu leeyahay , guud ahaanse sidaan sheegnay waa nidaam lagu wada hanwaynyahay in loo wareego , somaliland iyo somaliyana amaanbay u tahay hadday kuu guulaysteen horumar aanay gaadhin wadamo badan oo horumar dhaqaale iyo daganaansho siyaasadeed oo inaga fiican leh , waxaase mudan inaan xusno QALAD aad u wayn oo ay sameeyeen shirkadihii wadanka nidaamka keenay iyo xukuumadihii talinayayba , qaladkaasi wuxuu yahay in nidaamku ku salaysnaado lacag aanu wadanku lahayn oo dariiqyo kooban wadanka ku soo gasha (DOLLAR) . waxani waa nidaam lacagta la galiyo ayaanu ku shaqaynayaa , sidaa awgeed ayay wadamada isticmaalaa waxay ku isticmaalaan lacagahooda , waxaanse isleeyahay taasi wuxuunbay qayb ka tahay dhaqanka wadankeena yaala ee ah in lacag ajnabi iyo midda wadanka aan la kala aqoon , iskaba daaye tan ajnabiga laga jecelyahay sida aan wada ogsoonahay iyadoo taasi ah dhaqan inoo gaar ah . waxaan xasuustaa markii iigu horraysay ee aan wadan kale u boxo , wadankii aan tagay anoo safar ku jira ayaan hudheel wax ka cunay lacag dollar ah ayaan u dhiibay si aan isaga bixiyo wixii aan cunay , arrinta layaabka igu noqotay ayaa ahayd in ay igu yidhaahdeen DOLLAR ka ma qaadano ee lacagta wadankayaga nasii taasoo kalliftay inaan raadiyo sarrif . haddaan u soo noqono su aasheenii ahayd sicir bararka qayb ma ka yihiin Zaad iyo E- dahab ? jawaabtu waa haa . siday uga yihiin si aad u fahanto , aan ku waydiiyo sicir bararka maxaa keenay ? laba arrimood ayaa sal u ah sicir bararka dalkeena , labadaa arimood ee aan kuu sheegi doono ayay midkood qayb laxaadle ka yihiin Zaad iyo E-Dahab : arrinta koowaad : waa lacagtii adkayd ee wadanka dhex taalay oo yaraatay (dollar) taasoo wadanka dibaddiisa ka soo gali jirtay dalka ama xoolaha aan dhoofinno ha ku timaado , ama lacagaha ay qurba joogtu soo dirto ama siyaabo kalee . iyadoo waliba intii dhex taalayna wadanka aan jaarka nahay ee Ethopia u baxday ( QAADKA). Sababta labaad : bulashadii oo lacagtii somaliland ka maarantay oo dollar wada rabta , arrintan danbe ayay sababteeda qayb laxaadle ka qaateen shirkadaha TELESOM iyo SOMTEL. markay bulshadii dollarkii mobile ugu shubeeen iyada oo sinti sinti ah , qofkastaaba wuxuu ka maarmay lacagtii kaashka ahayd ee cuslayd ee uu jeebka ku qaadan lahaa . INNaga oo ka duulayna QAACIDADA DHAQAALE ee( demand and supply ) oo sheegaysa in markasta oo dalabku ka bato kammiyadda ka taalla shay uu qaaliyoobo ma kuu muuqataa sababta keentay inuu dollarku qaaliyoobo ??? anoo rajaynayaa inaynu horayna isula fahansanayn dollarka qaliyoobay inuu sabab u yahay maciishad qaaliyawday . ma kuu muuqataa hadda qaabka ay uga qayb qaateen sicir bararka Zaad iyo E-Dahab ????. ma kuu muuqataa go aankii xukuumadda ee ahaa inaan boqol wax ka yar la ogolaan in dollar lagu diro inuu sax ahaa ???
Horta intaaan Zaad iyo Edahab laga hadal Dawladda somaliland laba ha yeelato
1- dawladdu ha yeelato bangi dhexe oo awoodda maamulka leh isla markaana jaan-goyn kara qiimaha. Si aan Xukuumadda sare hadba sarrifka ugu nixin.
2- sirta dawladda waxa haya shirkadaha gaar ahaan is gaadhsiinta casriga ah haddaba dawladdu markay ka madax bannaanato bidaaqadda bareefadka ah ee ay xogta isku dhaafsanayaan markaa awooddooda ha muujiyaan xidtaa hadday taawarro duminayaan.
Berberatoday.com Staff