Mayar Kamida Mayarada Degmooyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhig Ay Kula Kaceen Ciidanka Liyuu Booliska Killika Shanaad
February 2, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maayirka Degmada Balli-Gubadle Oo Ka Hadley Xadhig Ay Kula Kaceen Ciidanka Liyuu Booliska Killika Shanaad Kuna Tilmaamay In Uu Shirqool Ahaa. Maayirka Degmada Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac Cawad.

ayaa ka warbixiyey xadhig ay kula keceen ciidanka Liyuu Booliska Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ee Degen Magaaladda Balli-gubadle ee dhinaca Itoobiya, waxaana uu sheegay in la xidhay Subaxnimadii maalintii Axaddii lana soo daayey sideeddii habeennimo isaga iyo askarigii ilaalinayey, waxaanay u sheegeen in ay ku xidheen shaqaaqo ka dhacday deegaanka wajaale oo Askar Liyuu boolis ah ciidanka Somaliland ka qabteen.