Wasiirka Duulista Oo Sheegay In Saldhiga Milatari Ee Berbera Ay Labada Gole Go’aan Ka Gaadhayaan, Marka Madaxweynuhu U Gudbiyo
February 2, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Faarax Aadan Haybe, ayaa ka hadlay sababta keentay inay go’aan ka soo saaran Basaboorka Somaliya, waxaanu sheegay in bishii dhammaatay laga bilaabo in aan dalka gudihiisa laga qaadan karin Basaboorkaas.

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Faarax Aadan Haybe, oo shalay kulan la yeeshay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada, ayaa kulankaas kadib waxa kale oo uu ka hadlay Saldhiga Milatari ee Berbera iyo wararka sheegaya in Somaliya maamusho Hawada Somaliland, waxaanu yidhi “Anagu Shacabka uma yeedho oo ma nidhaahno Muqdisho iyo Garoowe taga, midna maanu odhan,taasi waa waxaan jirin, oo waxaan is leeyahay waa mala awaal, Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa Basabooradu hoos tagaan, laakiin waxa aniga I soo galiyey madaama Madaaradu yihiin halka laga baxo ee laga soo galo tahay iyo waayo aragnimo aanu ka dhaxalnay duruuftii hore ee Xajka, oo waxaan ogaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Cali Warancadde go’aan ayuu ka soo saaray, uu leeyahay Basaboorkaas laguma dhoofi karo, saddex boqol oo xujaaj ah oo ii tuban ayaa aniga la I magacaabay, saddex cisho kadib anigoon xilkii la wareegin ayaa la ila soo hadlay, waxa la yidhi saddex boqol oo xaaji oo xajka tagaya ayaa ku xaniban Madaarka, waxaan idhi maxa loo xanibay, waxa la yidhi Basaboorkii Somaliya ee Wasaaradda Arrimaha Gudduhu mamnuucday ayey sitaan, waxaan is weydiiyey nin ILLAAHAY u tagay, oo ILLAAHAY u xajaya,hadad tidhaah tagi maysid oo ILLAAHAY u tagi maysid, oo xajkiisi tagi maysid, inkaar baa ka dhacaysa, Madaxweynaha ayaanu la tashanay oo Ceerigaabo safar ku maraya markaa, isaga ALLE ha ka abaalmariye go’aan qaatay, ha loo fasaxo xajka si ku meel gaadh ah, duruuftii oo taagan ayaanu aragnay xajkii kale iyo cimradii kale oo ina soo galaysa, Somaliland waxa inoo dhaqan ah waxba kama sii tabaabushaysano ee marka ay wax inagu dhacaan ayeynu yaac-yaacna, markaas waxaanu is nidhi inta aanay xajka kale iyo cimrada kale inoogu soo gali lahayd dabadeed inkaari inagu dhici lahayd, wax u sii yar fududeeyo, oo wixii ka horeeyey Bisha January meel kasta ha lagu sameeye, waa fasax, laga bilaabo January cidii qaadanaysa dalka gudihiisa laguma qaadanayo”.