Cumar C/Rashiid Oo Noqday Qofkii Saxeexay Dokumentiga Qarsoon Ee Ay Xukuummadda Somalia Imaaraatka Ugu Ogolaatay Saldhiga Berbera
February 3, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Raaiisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdulrashiid ayaa noqday qofka dhab ahaan dawladda Imaaraatka u saxeexay dokumenti qarsoodi ah oo ay xukuumadda Somalia ugu ogolaanayso inay saldhig ciidan ka samaysato magaalada Berbera ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumadda madaxweyne Siiraanyo ayaa bishii September 2016 dawladda Imaaraatka la gashay heshiis ay ugu ogolaanayso inay saldhig ku yeelato xeebta Somaliland.Inkastoo aanay xukuumadda Somaliland ka hadal hadaana waxa xiligaa soo shaacbaxay warar sheegayey inuu jiro heshiis kale oo qarsoodi ah oo ay xukuumadda Somalia ay Imaaraatka ugu ogolaanayso saldhigaa oo uu walba saxeexay madaxweynaha Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud. Hadaba xogo cusub oo ku saabsan mawduuca saldhiga oo ay Haatuf heshay ayaa xaqiijinaya in warqadda ogolaanshahaasi ay ka soo baxday xafiiska raiisal wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo isaga laftiisu saxeexay.