Mucaawimada Dawlada Kuwait Ugu Deeqday Dadka Abaaruhu Saameeyen Oo La Soo Marinayo Hayad Uu Madax Ka Yayahay Wiilka Qaba Hodan Axmed Siilaanyo
February 3, 2017 - Written by Berbera Today
Kuwait City(Berberatoday.com)-Kaalmo mucaawimo ah oo dawladda Kuwait ugu tabarucday dadka abaartu saameysay ee ku nool dalka Somaliland ayaa durtaba waxa afka u dhigtay wiil la yidhaahdo Keyse Aw Xasan Yuusuf oo qaba gabadh uu dhalay madaxweynaha Somaliland Axmed Siiraanyo oo magaceeda layidhaa Hodan Axmed Siilanyo iyadoo la soo marin doono kaalmadaasi hayadda Shifaat ee uu guddoomiyaha ka yahay wiillaasi oo haatan hogaaminaya wafdiga xukuumadda Somaliland ka socda ee maalmahanba booqashada ku joogay Kuwait.
Waxaana Gacanta Mucaawimadaa Wiilka Labaad ee Madaxweyne Siilanyo Sodog Uyahay loogu galinayaa sidii uu uga faraqabsan lahaa raashimadaa iyo cuntooyinka dadka masaakiinta ah ee abaartu saamaysay loogu talagay.