Ruushka Oo Bilaabey Olole Joogto Ah Oo Uu Ku Jabsanayo Kombiyuutarada , Dalal Reer Galbeed Oo Sida Fiinta Ugu Qeyliyey Iyo Ujeedka Ruushku Ka Leeyahay
February 3, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Ruushka ayaa qaadaya ol’ole joogto ah oo uu ku jabsanayo
kombiyuutarada isaga oo bartilmaameedsanaya dimuqraadiyadda iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah ee Yurub, sida uu ka digayo wasiirka difaaca ee Britain, Sir Michael Fallon.

Ruushka ayaa “hub ahaan u adeegsanaya xog been ah” isaga oo doonaya in uu ballaadhiyo galaangalkiisa oo uu burburiyo dawladaha reer Galbeedka uuna wiiqo xulafada Nato, ayuu yidhi wasiirku.