Xukuumadda Somaliland Oo Mar Kale Soo Saartay Awaamiir Mamnuucaya Xayaysiisyada Dhakhaatiirta Ee Warbaahinta Laga Sii Daayo
February 3, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Hay’adda mihnadlayaasha caafimaadka ee Somaliland ayaa soo saartay awaamiir ay ku mamnuucday xayaysiinta warbaahinta laga sii daayo ee dhakhaatiirta, cisbitaallada, iyo rugaha caafimaadka.

Dr Axmed Xaashi Oday, gudoomiyaha hay’addaasi ayaa faah-faahin ka bixiyay amaradaasi oo ku tilmaamay kuwo lagu ilaalinayo caafimaadka dadweynaha “Waxa nagu kelifay markaanu aragnay qof waliba wuxuu doono inuu sheeganayo oo dhakhtar uu leeyahay 10 cudur ayaan wada aqaanaa oo waxyaabo mamnuuc ah dhakhaatiir ahaan in idaacadaha laga sii daayo ayaanu go’aan wada gaadhnay anaga iyo wasaaradda caafimaadka oo ah xayaysiis dambe inaanu jiri doonin, ciddii dhakhtar dibadda ka keenaysanaysaa marka loo sharciyeeyo halkiisa waa la yaqaanaa cisbitaalkaas, laakiin Dr. hebel ayaa waxaas iyo waxaas ka shaqaynaya waa la joojiyay waana mamnuuc.”ayuu yidhi Dr.Axmed Xaashi oo u waramay BBCsomali