berberatoday.com
Qaramada Midoobay Ballan-qaadday Inay Saddex Boqol Oo Milyan Oo Doollar Kaga Qayb-qaadanayso Gurmadka Abaaraha Somaliland
February 4, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay, ayaa shaacisay inay Lacag dhan saddex Milyan oo Doollarka Maraykanka ah wax kaga qabanayso oo ay kaga qayb-qaadanayso 3-da bilood ee soo socda Gurmadka badbaadinta Dadka Abaaruhu ku saameeyeen Somaliland.

Wefti uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Bini’aadanimada Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Peter de Clercq, ayaa Salaasadii shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, isla markaana kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xubno Xukuumaddiisa ka tirsan oo ay ka wadahadleen heerka Abaarta Somaliland ka jirta iyo sida loogu baahan yahay Gargaar caalami ah, kaas oo ay ballan-qaadeen Weftigu.

Markii Weftigan isugu jira Qaramada Midoobay iyo Ururro ama Hay’ado kale oo caalami ah oo ay wada-shaqayn leeyihiin la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Xubno Xukuumadda iyo Guddiga Abaaraha Qaranka ka tirsan, waxa uu Peter de Clercq Madaxtooyada kula hadlay Saxaafadda qaarkeed, waxaanu sheegay inay u qorsheeyeen Lacag dhan Saddex Milyan oo Doollar in si deg-deg ah wax loogaga qabto Abaarta Somaliland 3-da bilood ee soo socda oo immika gacanta lagu hayo, isla markaana ay Beesha caalamka ka dalbanayaan Lacag intaas ka badan oo qayb ka noqon doonta 32 Milyan oo Doollar oo uu sheegay inay u qorsheeyeen in wax lagaga qabto Abaaraha Soomaaliya oo dhan oo ay Somaliland qayb ka tahay.

“Waannu ka war-haynaa xaaladda adag ee Abaaraha Somaliland ka taagan illaa 2015-kii oo ay soo bilaabantay, oo ka sii dartay markii Roobabkii Gu’ga iyo Dayrtu aanay si fiican u di’in. Waan ognahay in Abaartu sababtay dhimashada Xoolo badan, lagana cabsi qabo inay heerka Macaluusha u gudubto, Weftigayagan ka socda Qaramada Midoobay iyo Ururrada aannu wada shaqaynta leenahay waxaannu halkan ku wada falanqaynay dawladda Somaliland xaaladda sii adkaanaysa ee saamaynta Abaaraha.” Sidaa ayuu yidhi Peter de Clercq.

Peter de Clercq oo ka hadlaya Lacagta loogu gurmanayo Dadka Abaaruhu saameeyeen, waxa uu yidhi; “Lacagtaasi suuragal ma wada ah in immika laga wada helo ilaha la qorsheeyey in laga helo, waxa immika suuragalka ah ee la helayo ama la hayaana kuma filna wax-ka-qabashada xaaladda Abaarta ee taagan. Saddex Milyan oo Doollar baannu u qorshayaynay 3-da bilood ee soo socda in wax lagaga qabto Abaarta Somaliland, waxaanan caddaynayaa inaanay Lacagtaasi ku filnayn xaaladda jirta.”

“Waxaan ku celinayaa oo aan Beesha caalamka weydiisanaynaa in loo baahan yahay Gurmad deg-deg ah oo Abaarahan wax lagaga qabto. Waxaa loo baahan yahay 32 Milyan oo Doollar oo loo qorsheeyey in wax lagaga qabto Abaaraha Soomaaliya iyo Somaliland oo xaaladdoodu meel halis ah marayso.” Sidaa ayuu yidhi Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna Isu-duwaha arrimha Gargaarka Bini’aadanimada Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Peter de Clercq.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews