berberatoday.com
Shirkad-da Viber-ka Oo Adeeg Wicitaan Oo Bilaash Ah Siisay Wadamada Uu Madaxweyne Donald Trump Xayiraad-da Saaray
February 4, 2017 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Adeeg-ga Shirkad-da Viberka ayaa bilaash looga dhigay dadka uu saameeyay go’aankii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha Maraykanka ,kaasi oo muwaadiniinta todobo wadan oo Muslim ah looga mamnuucay in ay gudaha u soo galaan Maraykanka.

viberShirkad-da ayaa sheegtay in aysan wax lacag ah ku dalaci doonin wicitaanka dadka adeegsanaya adeeg-gan marka ay soo wacayaan eheladooda ku sugan Maraykanka ,waxaana ay noqonaysaa shirkad-dii ugu horeysay oo talaabadan ku dhaqaaqda.

Macaamiisha adeegsada viberka ayaa markii hore awood u lahaa in ay iska dhex-wacaan adeeg-gan oo kaliya , balse waxaa hadda ogolaansho loo siiyay in ay toos u waci karaan lambarada guryaha iyo taleefanada gacanta ee Maraykanka.

“Waxaan isku xidhnaa dadka, annaga oon dan ka galayn cid-da ay yihiin iyo halka ay ka soo jeedaan  “ ayaa lagu yidhi war-kooban oo shirkadu ay ka soo saartay go’aanka Madaxweyne Trump ,isla markaana taageero loogu muujinayay wadamada xanibaad-da la saaray.

“Iyada oo la tixraacayo dhacdooyinkii wadankan ka jiray , waxaa hadda si bilaash ah isku waci kara Maraykanka ,Syria ,Iraq ,Iran ,Libya ,Somalia ,Sudan iyo waliba Yemen , sidaa darteed qof kasta waxa uu wici kara cid-da uu jecel-yahay “ ayaa mar kale lagu yidhi –warka ka soo baxay Viber-ka.

Ugu danbayn ,Go’aankan uu soo rogay Donald Trump ayaa kamid ahaa balan-qaadyo dhowar ah oo u sameeyay markii uu musharaxa ahaa ,waxaana arintan siyaabo kale duwan u canbaareeyay qaar kamid siyaasiyiinta caalamka oo ay ku jiraan kuwa Maraykanka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews