Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SECJA OO Cambaareeyay Xadhiga Wariye Maalintii Afraad Sife Sharci Daro Ah Ugu Xidhan Gar Adag Baaqna Kasoo Saaray
February 4, 2017 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA waxaa uu Cod dheer ku canbaaraynayaa Xadhiga Weriye Maxamed Aadan Jaamac oo Degmada Gara,adag sifo sharci daro ah oo qarsoodi ah ugu xidhan Maalintii afraad,kaasi oo uu Taliyaha Booliska Degmada Gar,adag ku xidhay isagoo sheegay inuu Booliska Degmada war ka fidiyay,Ururka Suxufiyiinta SECJA sida uu Xogta xadhiga weriyaha ku hayo waxa lagu xidhay dad uu war ka duubay oo uu ku baahiyay bartiisa facebookga, sidaas aawadeed cidii ka cabanaysa warkaasi waxa ay xaq u leedahay inay ka jawaabto ama ay u marto sifo shari. Hadaba Ururka Suxufiyiinta SECJA Waxa uu ku baaqayaa in weriyahaas Xoriyadiisa loosoo Celiyo sida ugu dhakhsaha badan,waxaanu Ururka Suxufiyiinta SECJA dawlada ugu baaqayaa inuu ilaaliyo xoriyada hadalka iyo xeerka saxaafada.