Weriye Maamlintii Afraad Si Qarsoodi Ah Ugu Xidhan Degmada Garadag.
February 4, 2017 - Written by Berbera Today
Gar Adag(Berberatoday.com)-Wariye Maxamed Aadan Jaamac oo ka hawl gala TV Univrsal ee Degmada Garadag ayaa maalintii afraad si Qarsoodi ah ugu xidhan Saldhiga Degmada Garadag ee Gobolka Sanaag,Xadhiga weriyaha ayaa sida aanu wararka ku helayno waxaa amarka xadhigiisa Bixiyay Taliyaha Booliska Degmada Gar,adag Maxamed Faarax Caateeye,waxaanay wararku sheegayaan inuu xadhiigiisa lala xidhiidhiyay Dad ka cabanaya Booliska isla markaana wariyuhu ku baahiyay Bartiisa Facebooka, Taliyaha Booliska Garadag Maxamed Faarax Caateeye oo aanu la xidhiidhanay ayaa isaguna noo xaqiijiyay Xadhiga weriyaha,waxaanu ku dooday inuu Booliska waxa ka sheegay isla markaana uu ku xidhanyahay sifo sharci ah.