Daacishta Soomaaliya Oo Gow-gowracday Askar Ka Tirsanaa Ciidammada Puntland, Dad Kalena Weli Gacanta Ku Haya
February 5, 2017 - Written by Berbera Today
Qandala(Berberatoday.com)-Koox taabacsan Kooxda Daacish ee ka dagaalama Dalalka Bariga Dhexe oo ku sugan deegaannada Gobolka Bari ee Maamul-gobolleedka Puntland isla-markaana dhawaan laga saaray Degmada Qandala oo ay qabsadeen, ayaa Meydadka saddex Askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland soo dhigay jidka isku xidha degmada Qandala iyo Bosaaso, waxaana la sheegay in Askartan meydkooda Jidka la dhigay la gaw-gawracay.
Askartan ayaa ku jiray dad dhawaan kooxda Daacish ay ka afduubatay degmada Qandala xilli ay ku soo jeedeen magaalada Bosaaso, waxaana adag in xog dhamaystrian laga helo sababaha keenay in Askarta loo gaw-gawracay.