berberatoday.com
Daacishta Soomaaliya Oo Gow-gowracday Askar Ka Tirsanaa Ciidammada Puntland, Dad Kalena Weli Gacanta Ku Haya
February 5, 2017 - Written by Berbera Today

Qandala(Berberatoday.com)-Koox taabacsan Kooxda Daacish ee ka dagaalama Dalalka Bariga Dhexe oo ku sugan deegaannada Gobolka Bari ee Maamul-gobolleedka Puntland isla-markaana dhawaan laga saaray Degmada Qandala oo ay qabsadeen, ayaa Meydadka saddex Askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland soo dhigay jidka isku xidha degmada Qandala iyo Bosaaso, waxaana la sheegay in Askartan meydkooda Jidka la dhigay la gaw-gawracay.

Warka DaacishAskartan ayaa ku jiray dad dhawaan kooxda Daacish ay ka afduubatay degmada Qandala xilli ay ku soo jeedeen magaalada Bosaaso, waxaana adag in xog dhamaystrian laga helo sababaha keenay in Askarta loo gaw-gawracay.

Dadka deegaanka oo Warbaahintu xidhiidh la samaysay ayaa sheegay in Saddexda Askari ay qayb ka ahaayeen Askar ay dhawaan Puntland u dirtay Qandala si ay uga xoreeyeen kooxda Daacish oo muddo bil ah maamulaysay degmadaas.

“Walaal Meydkooda waxaa la soo dhigay deegaanka Karin, dadku wali ma aqoonsan wejiyadooda, balse waxa ay ku labisnaayeen dharka ciidanka “ ayuu yidhi Saxane Jaamac oo khadka Taleefanka ugu waramayay Shabakadda Wararka ee Hiiraan Online.

Waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay la soo daristay cabsi badan oo ku aadan in kooxda Daacish ay qaaddo talaabooyin ka dhan ah cid walba oo hore maamulka Puntland ula soo  shaqaysay, ,iyadoo wali degmada Qandala ay joogaan ciidamo ka tirsan Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga gobolka oo Warbaahinta aan Warkan ka soo xiganay ay la xidhiidheen ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan dilka loo gaystay Askarta, waxaana warar soo baxayaa ay sheegayaan in ciidamo loo diray halka Meydadka Saddexdan Qof la soo dhigay

Ugu danbayn ,kooxda Daacish ayaa wali gacanta ku haysa tiro kale oo ka tirsan ciidamada Puntland, kuwaasi oo ku jiray 13 qof oo dhawaan kooxdu afduubatay, lamana og inay gowracayaan iyo in kale.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews