Dagaalka U Dhaxeeya Xuutiyiinta Yemen Iyo Duulaanka Isbaahaysiga Carabta Ee Taageeraya Dawlada Yemen Oo Soo Gaadhay Bada Baabul Mandab Ee Bada Cas Iyo Saamaynta Uu Ku Yeealan Karro Ganacsiga Dekeda Berbara + Warbixin Yuusuf Cabdi Gaboobe Ka Diyaariyay
February 5, 2017 - Written by Berbera Today
Yaman(Berberatoday.com)-Dagaal culus oo khasaare balaadhan keenay oo marinka Baabul Mandab ee badda Cas muddo 4 todobaad ah ku dhexmaraya ciidamada dawladda sharciga ah ee Yeman oo ay taageerayaan ciidamada isbahaysiga dalalka Khaliijka iyo maleeshiyada Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dawladda Iiraan ayaa durtaba yeeshay saameyn goboleed iyo mid caalami ahba iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaalkaasi xanibaad ku keeno ganacsigii dunida ee mari jiray badda Cas isla markaana uu mandaqadan iyo caalamkaba ka dhex abuuro colaado cusub oo hor leh.Dagaalkan ayaa waxa uu bilaabmay markii ay ciidamada dawladda oo ay taakulaynayaan kuwa Sucuudiga iyo Imaaraatku ay 7-dii January weerar dhul,cir iyo badba ah ku soo qaadeen magaalooyinka Yeman ee ku yaala xeebta badda Cas sida Dubaab iyo Mukha iyo waliba jidadka muhiimka ah ee isku xidha xeebta taasoo ay Xuutiyiintu kala horyimaadeen iska caabin xoog leh.