Guddoomiyaha Hay’adda Tayada Oo Sheegay Inay Dalka Keenayaan Qalab Lagu Eegayo Biyaha Wershadaysan Ee Dalka Lagu Farsameeyo
February 5, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Hay’adda ilaalinta tayada Somaliland Cali Maxamed Cabdule (Bikolo), ayaa ka hadlay Warshadaha Biyaha oo dalka ku soo kordhaya, iyo waxay kala socdaan tayadooda, waxaanu tilmaamay in iyagu hay’ad aanay siinin Warshada Biyaha Liisamada ay ku shaqeeyaan ee ay Wasaaradda Warshaduhu siiso, waxaanu xusay inay sameeyeen heerka biyaha lagu baadho, oo wershada buuxin weydaa aanay dalka ka shaqayn doonin.
