berberatoday.com
Shaqadii Dekedii Berbera Oo Maalmihii Udanbeeyay Hakad Gashay Iyo Sababta Oo La Ogaaday+Daawo Sawirada Dekedii Mashquulka Ahaan Jirtay Oo Haadku Kaa Dhex Qaadanayo+Daawo Sawirada
February 5, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Iyada Xukumada Somaliland la sheegayo inay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera ka kireysay shirkada laga leeyahay dalka Isutaga Imiraatka Carabta oo lagu magacaabo DP World ayaa waxa maalmihii udanbeeyay Dekeda Berbera dhex wareegeeyay shaqaale isugu jira hindi Iyo Chinese ushaqaynaayay shirladaas kuwaas oo gabi ahaanba joojiyay shaqo maalmeedkii dekeda Berbera iyaga oo shaqaalahan ajaaaniibta ahi jeeg garayn iyo diwaan galin buuxda ku samaynaayay agabka wax roga waxana rara ee Dekeda Berbera iyo dhismayaasha dekeda dhexdeeda kuyaala, sidoo kale waxa ay iyagana shaqaalaha shirkada Dekeda laga kireeyay ka socday ay diwaan galinayeen Koonteenarada badeecaduhu ku jiraan ee Dekeda yaala iyo kuwa madhan e badeecadaha laga guray

Waxaana gabi ahaanba shaqadii ay dekeda ka hayeen lagag dareeriyay guud ahaan shaqaalihii Dekeda iyo ganacsatadii badeecadaha iyo gaadiidka Dekeda kasoo daga cashuuran jiray,

Sawirada halkan idiinka muuqdaa waa maanta mar aanu Dekeda Berbera si adag ku galnay  waxaana sawirada idiinka muuqda Dekedii Berbera ee maalin, habeen iyo wakhtio kasta mashquulka ahaan jirtay oo haawanaysa iyo xafiisyadii oo qufulo waa weyn lagu jabiyay,

Marnaba may dhicin Dekeda Berbera sida hada ay tahay ay noqoto waxanase arinkaas loo aanaynayaa shirkadan macaash doonka ah ee Dekeda Berbera laga kireeyay ilaa hadana aan la garanayn waxa ay ka qaban doonto koboca dhaqaalaha dalka iyo dhismaha Dekeda Berbera ee qadiimka ah balse ay munaafacaadsan jireen guud ahan umada Somaliland iyo kuwa dalalka Jaarka sida itoobiya iyo Maamulada Somaliya ka jiraa.

Warar kaloo xogogaal oo aanu helayno ayaa iyaguna waxa ay sheegayaan in inta badan ganacsatadii reer Somaliland ee badecadaha kala duwan kasoo waaridi jiray wadamada debeda ay intoodii badnayd ganacsigoodii uleexiyeen wadamada jaarka ah sida Dalka Jabuuti iyo Maamulka Putland iyaga oo ka biyo diiday qaabka ay uwaajahayaan shirkada macaash doonka ah ee Dekeda Berbera Xukumada Madaxweyne Siilanyo ka kiraysay.Sidoo kale Waxa iyaguna Faraha hore ku taagan ganacastada intii ka hadhay oo eegataysanaya meeshii ay uhayaami lahaayeen.

Inkastoo ay Dekeda ku xidhan yihiin Maraakiib iyo doonyo kooban oo tiara yari hadana may jirin shalay galinkii hore markaanu booqanay wax shaqo ah oo ak socotay hayse yeeshee waxa Dekeda gaaf wareegaayay shaqaalaha ajaaniibta ah e shairkad DP World oo amaankooda ay ciidamo RRU ah sugayeen iyo Maamulka Dekeda oo horkaacaayay.

Halkkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Sawiradii Dekedii Berbera oo Haadku kaa dhex qaadanayo

de3

de14

de21

de26 de27 de27 de28 de29

de25 de24 de23 de22 de21 de20

de18 de19 de20 de21 de22 de23 de24 de25

de17 de16 de14 de14 de13

de7 de9 de10 de11 de12

De1 De2 de3 de3 de4 de5 de6

 

 

 

Berberatoday.com Staff

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews