Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Warramay Waxa Somaliland Ka Faa’iidey Shirkii Midowga Afrika Ee Addis Ababa Lagu Soo Gebo-gabeeyay
February 5, 2017 - Written by Berbera Today
“Waxaanu is-leenahay waad ku guuleysateen sidii aad uga dhaadhicin lahaydeen Somaliland..” Dr. Sacad Cali Shire
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka warramay kulammo uu Magaalada Addis Ababa kula soo yeeshay Wasiirro iyo Safiirro ka mid ah kuwa Dalalka Afrika oo ka qayb-galay Shirkii Midowga Afrika oo Magaalada Addis Ababa ka socday 24-kii illaa 31-ka bishii January ee Sannadkan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ka dib kulan uu la yeeshay Wefti ka socday Jamhuuriyadda Czech oo socdaal ku jooga Somaliland, ayaa sheegay in Wasiirrada iyo Diblumaasiyiinta Afrika ee uu kula kulmay Addis Ababa uu u bandhigay Qaddiyadda Somaliland, sidaa darteed uu ku rejo-weyn yahay in Somaliland Saaxiibbo ku yeelatay ururka Midowga Afrika.