berberatoday.com
Xildhibaan Guurti Ah Oo Balanqaaday Inaanay Muddo Dheeraad Ah Ku Dari Doonin Muddo Kordhinta Lagu Heshiiyay In Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo
February 5, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa ka hadlay waxa jira in Golaha Guurtidu muddo kordhin dheeraad ah Xukuumadda ugu darayso wakhtiga todoba bilood ah ee ay ku heshiiyeen Xisbiyada Qaranku ee Xukuumadda iyo Komishankuna la qaateen, waxaanu xusay in aanay dhaafin doonin muddo ka badan todobada bilood ee lagu heshiiyey.

1

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn yidhi “Waxa la isla qaatay oo Axsaabta Qaranku isla qaateen, in Doorashadu aanay dhicin bisha saddexaad, ee ay dhacdo bisha tobnaad ee sannadkan, heshiiskaas la iskuma diidana, ee waa la isla qaatay, raalina waa lagu wada yahay, sidaas oo ay tahay haddii aanu anagu nahay Golihii Guurtida muddadaas la isla qaatay wax ka badan ma kordhinayno, ee todobadaas bilood ayaanu sharci ka dhigi doonaa haddii ALLE ogolaado”.

Hadalkan Xildhibaanka ayaa meesha ka saaraya hadalo soo baxaya oo tilmaamaya in guurtidu muddo dheeri ah ku dari doonto heshiiska toddobada bilood ah, iyagoo khilaafi doona heshiiskan ay gaadheen xukuumada, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews