|
berberatoday.com
DARDAARAN HOOYO WIILKEEDA SIINAYSA OO JIDHKU KU DAMQANAYO! W/Q CALI AXMED MUUSE
February 7, 2017 - Written by Berbera Today![]() ![]() DARDAARAN HOOYO WIILKEEDA SIINAYSA OO JIDHKU KU DAMQANAYO! Wiilkeygii sharfta lahaayow xasuusnow dhowr arimood: 1: hadaan weynaado oo hadalku i dhibo ii sabir oo ha i dhibsan waayo aniguba adigoon hadli karin ayaan kuu sabri jireye. 2: hadaan cuntada cuni waayo haygu khasbin, hana igu weylin. markan ubaahdo anaa cunayee, anba kuguma khasbi jirine. 3: hadaan su’aal kugu celceliyo si degan iigu jawaab, oo ha i dhibsan. adiguba waxa iweydiin jirtey suuaalo badan, kumana dhibsan jirin waana ku sabri jireye. 4: hadii aan socon kari waayo ha i dhibsan, oo ii tartiibi anba sidaas baan kuugu tartiibin jireye. 5: hadii marada aan xiran kari waayo, si tartiib ah oo naxariis ku jirto iigu xidh, anigaba kuma dhibsan jirin si tartiibana wa kugu xidhi jirey. 6: hadiii suuliga aan awoodi waayo kaadida saxarada iska dhiqi waayo, si naxariis ah iga dhaq. hana idhibsan waayo amba kuma dhibsan jirine. 7:hadiii aaan ku dhibo, ha i dhibsan, waxaa laga yaba inay khayr badan ku tahaye. hadii aan fool xumaado, ilkuhu iga dhacaan, dhagaha wax ka maqli wayo, indhuhu daciifan, luguhu soconwayaan, gacmuhu wax qaban wayaan, carabku hadalka yareeyo, maskaxdu isku dar-daranto, saxaradu iska daadato, kaadidu sidoo kale, sariirta marwalba aan wasakheeyo. HOOYOOY HOOYOOY ha i dhibsan, waayo sidan ma ahaan jirin. xasuusnowna inaan ku hayn jirey adigoon saxarada iyo kaadidaba iska tiri karin, lugo aad ku socoto lahayn, gacmo aad wax ku qabsato Xasuusnow inta aad maanta igu aragto iyo in kasii badan inaan kugu soo sabrey, weliba farxad u arkayey oo anan malin keliya ku dhibsan. HOOYO HOOYO ha noqon shaqi (Caasi) abaal aan lahayn, ee noqo Abdi (Baari) abaal badane ah. U gudbi Walaalahaga #SHARE PLZ Ali Ahmed MuuseCOMMENTS
|
||||
|
|
|||||