Ma Dhabaa In Gudoomiye Musharax Cabdiraxmaan Ciro Safar Ugu Baxayo Dalka Debediisa Si Uu Uga Muquurto Shirka Ay Labada Gole Baarlamaan Ku Ansixinayaan Saldhiga Milatari Ee Dalalka Carbeed Madaarka Diyaaradaha Berbera Ka Samaysanayaan?
February 7, 2017 - Written by Berbera Today
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ahna Musharaxa iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi(Cirro)ayaa La sheegayaa ama la Filaayo in uu Ka Muquurto Fadhiga Wada jirka ah ee labada Gole baarlamaan Wakiilada iyo Guurtida Somaliland Ku ansixinayaan Saldhiga Milateri ee Magaalada Berbera dalalka carbeed ka doonayaan gaar ahaan dalka isutaga imiraatka Carabta oo uu kasoo kireeyay wiilka awooda badan xukunka dalka ku leh ee qaba Luul Axmed Maxamed Maxamud(Siilanyo)oo lagu magacaabo Baashe Morgan.