berberatoday.com
“Waxaan Ahay Nin Waayaha Adduun,Wax Uga Muuqdaan’e, Waxyi Iguma Soo Dego Hadana, Wax Ima Seegaane, Alle Ha Unaxariisto Marxuum Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Jaamac(Lugooyo)Halkan Ka Akhri Tuducyo Kamida Gabayadiisii
February 7, 2017 - Written by Berbera Today

Marxuum LugooyoWaxaan ahay nin waayaha adduun,
wax uga muuqdaan’e,
Waxyi iguma soo dego hadana,
wax ima seegaane,
Nin wadiifad haystaa hadduu, wadi aqoon waayo,
Waqtiga uu jecelyaa kursiga, laga wareejaaye,
Wedna wuu jiraa xaal nafsina, weyska weheshaa,
……………………………………………………..

Gaaxnuug afkaaga ku diley, eedna soo duwaye
Mar haddii Awow lagu yidhaa, gawsna kugu oollin
Awlaadso mooyee ma lihid, aayatiin kale’e
Oday inamadiisii inkirey, lama ammaaneyne
Nimankaad indheergarad hurdiyo, ibir ka soo qaaday
Ma ogtahay Riyooliyo Xirsaa, kuu ardaa xiga’e
Iyaguna maqdaradii ilkaha, kuugu may imane
Af dhintoo af nool loo dilaa, waa Allow sahale
Waa xaajo uguboon la arag, Abadan Xaawaaye
Nin abaal ku taray kaama geyo, ereyga quudheede
Ma Amxaaradaa lagu gafaa, ubadka noo haysa?
…………………………………………………………..
waxba foox kama taro aakhiro
nimay faro ka yaaliine…………
………………………………………………………..
Dab inuuu xanuun yahay
ninkii digo galuun baa og
In dareemo caws tahay
Horweyn lagu dabaalaa og
in uu deyn qadhaadh yahay
nin uu dumar ku yeeshaa og
dumar inuu caruur yahay
ninkii dadab la seexdaa og

Khamri Inuu dilaayaha

Aniyo Kii Dalbaday Baa Og
Inay Doqoni liid Tahay
ninkii dad u xiguun baa og
……………………………………………………………..
Qarniyadan ragii jiray cidlay qulub la jiifane
Waxay la qarwayaan laylka dhexe qaadan kari waaye
Culimada qubta leh waano way nagala quusteene
Dhaaxay abwaanadu qoreen sheeko qaaliya eh
Quruuntii lumaysaa nasteex ugama qaatane
Qosol iyo waxa lagu dhoofayaa
qaadka iyo galabeede
Halkuu qaran jabkeenani ka yimi qiiqan dami waayay
Mala qodaxda meel durugsan bay qaar ka filayaane
Qolqolada guryahaa lagala yimi qaasinow cudure
Dadkuba qaybo waa leeyahiyo qolo iyo reer reere
Iglan iyo waxbaa kala qabsaday
qarankii Irlaand
Qasaaraha dagaalkii ka dhacay qaan ma kala hayn
Qiblada loo tukado rooma waa laysku qoonsadaye
Hindiyana waxa loo kala qoqobay
amase loo qaybshay
Khilaafkii ka dhacay diinta iyo qaar lo’ caabuda’e
Waxa burundi laysugu qudh jarey qod iyo gaagaab
Mandeelana waxa qoortiyo lugaha loo qasabadeeyey
Qisaas aadmi muu galine waad qaar madaw dahaye
Sidaasay u kala qaybsanayd taniyo qaabiile
Qasaare iyo xumaan teenu way ka qoto dheerayd
Haddii dhaqanka qalad kaaaga jiro
qabarkii weynaa
Dhalaanka aan quraankiyo la barin
qaafka iyo miimka
Qusurkiyo hadaan looga digin qawga iyo laaga
Waa qaafil sebiyee hadaan waalid qaban qaabin
Oo aan qalooc iyo samaan looba kala qaybin
Hadhawbaan la soo qaban karayn
qaladkay geystaane
Maxaa loo qabsanayaa hadduu qar iyo buur jiidho
Qaylo iyo canaan kuma aflaxo qaankan korayaaye
Miyuu inanku qayrkii ka hadhi waa la quudhsadaye
Geedkii qaloocsamay intuu qaydhab yahay laanna
Qodka leexdda waayada danbaa laga qarqooraa
Dadkuna qoobadaas oo kaluu qayb ku leeyahaye
Nin hadduu qambool iyo sarcado, quulle iyo jeerin
Ilayn geed quwaax uma baxo qariyo saytuune
Marka qoyska hoos laga dhisuu qaran hagaagaye
Haddii meel saruun laga qabsado
waa qalfoof madhane
Wax la qariyo qudhun baa ku jira
amase qiil dhaafe
Qasaaraha dhabta ahi waa dadkoo
lagu qamaaraaye
Sidii qarandidii yaan indhaha laysku soo qabane
Qudun quuto kama liidano iyo haadka qaaq yidhiye
Waxay ugxanta qararka u dhigtaa way qarsanayaane
Jeer ay quweystaan afkay ugu qadhaabaane
Inagana cidlay quban yihiin qanimadeeniiye
Haddii aan waxuun lagu qayirin qaabka nolosheena
Qarnigii dhamaadiyo ka xiga qaa’in iyo daa’in
Qaddoodi iyo waa lama huraan qax iyo eeddaadi.

Dhamaad

Alle Ha Unaxariistee Marxuum Abwaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Lugooyo 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews