Daawo Muuqalka”Musharax Cabdiraxmaan Faroole Oo Iskcasilay Tartankii Madaxweynenimada Dawlada Xamar Baarlamaanka Ugu Baaqay Inay Isbedel Dalkaas Somaliya Ka Dhaca Ucodeeyaan
February 8, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamad Maxamuud Faroole ayaa ku dhawaaqay goordhow in uu iska casilay Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya.
Faroole oo goordhow Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in uu tanaasulay islamarkaasina uu u tanaasulay in dalka isbadal uu ka dhaco.
Waxa uu musharixiinta kale ugu baaqay in ay isbadalka iyana ay ka qeeyb qaataan oo ay qaarkoodna is casilaan.
Faroole ayaa Xildhibaanada ugu baaqay in ay doortaan musharax tayo leh oo dadka Soomaaliyeed hogaamin kara.