berberatoday.com
Dabley Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Hotel Ku Yaala Bosaso Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Isugu Jira Oo Ka Dhashay
February 8, 2017 - Written by Berbera Today

Bosaso(Berberatoday.com)-Subaxnimadii hore ee maanta kadib marki salaada subax laga so baxay ayaa laga maqley rasaas ka dhacaysa xaafadda New Bosaso ee magaalada Bosaso, khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa weerarka ka dhashey

Laba nin oo hubeysan ayaa weerar ku qaadey Hotel Village oo ku yaala Konfur Galbeed magaalada Bosaso. Labada nin ayaa diley laba kamid ah waardiyaashii Hotelka, waxaana ay isku dayeen in ay gudaha u galaan Hotelka. Sida uu Horseed Media u sheegay mid kamid ah shaqaalaha Hotelka, waxaa labada nin oo hubeysan ay dagaal la galeen ciidamo ilaalo ka ahaa Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo Hotelka deganaa, waxaana wararka qaar sheegayaan in labo kamid ah ilaalada Cabdisamad Galan ay dableydu dishey.

Dableyda soo weerartey Hotelka ayaa la diley waxaana hadda loo qaadey meydkooda goob lagu baarayo, lamana yaqaan cidda ay ka tirsan yihiin.

Todobaadkii hore ayaa sidaan oo kale ciidamada amaanka Bosaso lagu weeraray goob ay ka deganaayeen halka magaalada laga galo, mana jirto cid loo qabtey weerarkaas.

Ciidamada amaanka ayaa xidhey inta badan jidadka gala Hotel Village waxaana magaalada soo buux dhaafiyey ciidanka amaanka.

Maamulka Puntland ayaa dagaal kula jira malayshidaa ka kala tirsan Daacish iyo Al-Shabaab, waxaana la aaminsan yahay in ay shabakado qarsoon ku samaysteen Bosaso bilihii u danbeeyey.

 

 

 

Xigasho Horseedmadia.net 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews